Home / Cayaaro / Zidane oo taageeray in Kante la keeno Real Madrid

Zidane oo taageeray in Kante la keeno Real Madrid

Himilo – Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu taageeray in maamulka Real Madrid u dhaqaaqo khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante.

Los Blancos ayaa la soo warinayaa inay suuqa ugu jirto khad dhexe la cayaara Casemiro billowga xagaaga soo socda.

Madrid ayaa goor sii horreysay ku guuldareystay inay la saxiixato Kante balse hadda ayuu diiradda u saaran yahay sida laga soo xigtay warbaahinta Spain.

Cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka ayaa kamid ah cayaaryahannada khadka dhexe ugu fiican dunida isaga oo taasi muujiyay shantii sanno ee uu joogay Leicester City iyo Chelsea.

Si kasta, Real Madrid ayaa tartan adag kala kulmi karta PSG oo goor hore ku guuldareysatay saxiixa  laacibka 29 jirka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan