Home / Habka-Nolosha / Zidane: “Ronaldo wax walba waxay la yihiin macquul inuu sameeyo.”

Zidane: “Ronaldo wax walba waxay la yihiin macquul inuu sameeyo.”

Muqdisho –¬†Zinedine Zidane ayaa sheegaya inaysan jirin wax Christiano Ronaldo ka dhigi kara dhex-dhexaad – isaga oo yiri wax walba waa maan-gal marka laga hadlayo xiddiga Real Madrid.

In kasta oo goolashiisa xagaagan aysan la sinneyn kuwa xagaagii hore, Ronaldo ayaa la yimaada tayada ugu fiican marka ay kooxdu ugu baahi badato xaggiisa.

32-jirkan ayaa xamaasadda kooxda ku kiciyay ku hoggaaminta guulo muhiimad weyn ugu fadhiya naadiga – oo ay kamid ahaayeen guulihii ay ka gaareen Bayern Munich iyo Atletico Madrid – halkaas oo laacibkani saddexley kawada dhaliyay kooxahan.

Balse iyada oo Madrid ay finalaha koobka Champion League isku diyaarinayso kahor-tagista Juventus, Zidane ayaa amaan iyo bogaadin dul-dhigay laacibkan.

“Sida aad wada og tihiin majiro wax Ronaldo ka dhigi kara dhex-dhexaad,” ayuu yiri.

“Wuxuu fursad walba ka abuuri karaa guul muuqata. Wuxuuna hadda in ka badan 400 goolal ah u dhaliyay naadiga.”

“Kuwani ma ahan kuwa la rumeysan karo, balse isaga ahaan, wax walba oo suura-gal macquul ah inuu sameeyo.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan