Home / Habka-Nolosha / Zidane: “Waxaan ku jirnaa waqti qaraar.”

Zidane: “Waxaan ku jirnaa waqti qaraar.”

Muqdisho – Macalinka Real Madrid, Zinadine Zidan qirsan in kooxdu ay gashay waqti xun kadib guuldarradii labaad oo ay kala kulmeen kooxda Celta Vigo.

Guuldarradan ayaa ka dhigan in rikoorka garaacis la’aanta ee kooxda oo aan 40 kulan dhinaceeda dhulka la dhigin ay dhadhamisay jabkii ugu horreeyey toddobaadkan.

“Waxaynu ciyaarnay ciyaaro laga dido,” ayuu yiri Zidane kadib saddax kulan oo is xiga oo ay kooxdu noqotay guul la’aan “Waa waqti xun: mana qarineyno. Laba kulan ayaan luminay marka wax ayaa jiro.”

“Waxaynu la ciyaaraynaa kooxo loolan kulul nagula jira. Mana ogayn sida loo maareeyo dheesha mararka qaar.”

Wiilasha macalin Zidane, laacibkii hore ee xulka Faransiiska, ayaa kulanka xiga marti-gelin doona kooxda Malaga  wuxuuna rabaa in ciyaartoyda ay dadaalkooda durjiyaan in badan.

“Waa dhaqanka kubadda cagta guusha iyo guuldarrida, hayeeshe wadajir yaan guusha u wada tiigsaneynaa.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan