Muqdisho – Zinedine Zidane waxaa loo sheegay inuu ku nagaan karo kooxda Real Madrid inta cimrigiisa ka dhiman, sida uu yiri madaxweyne Florentino Perez.
Macalinka reer Faransa kaas oo kaliya xilka ku fariistay bishii January 2016, wuxuu ku raaxaystay guulo xusid mudan inuu ka sameeyo gegida Santiago Bernabeu.
Wuxuu kooxda ku hoggaamiyay hanashada tartanka UCL in yar kadib markii xilka kala wareegay macalin Rafa Benitez, wuxuuna isla guushaas kusoo rogaal-celiyay 12 bilood kadib markii ay 4-1 kaga adkaadeen kooxda Juvetus.
Real ayaa guushii xalay ku dhigtay rikoor cusub oo taniyo 1958-kii aan la sameynin. Tanina waxay sare u qaaday sumcadda macalin Zidane.
Perez ayaa u sheegay Cadena Ser; “Zidane wuxuu joogi karaa kooxda inta noloshiisa ka dhiman.”
“Taageere kasta oo Madrid ah wuu u mahad-celinayaa, wuxuu sare u dhigay heerka tayadeenna markii uu yimid kooxda sanadkii 2001, wuxuu ahaa laacibka ugu fiican adduunka.”
“Hadda waa macalinka ugu fiican adduunka, wuxuu ahaa tababaraheenna muddo 17 bilood ah, hayeeshe wax kasta wuxuu ka dhigay suurta-gal.”
Zidane ayaa 7 jeer guuldarreystay 87 oo uu kooxda macalin u ahaa.