Home / Arrimaha Bulshada / Zimbabwe: Waalidiinta oo la ciqaabayo haddii carruurtooda ka haraan waxbarashada

Zimbabwe: Waalidiinta oo la ciqaabayo haddii carruurtooda ka haraan waxbarashada

Himilo – Waalidiinta dalka Zimbabwe ayaa wajahaya xabsi dhan labo sanno oo xarig ah haddii ay ku guuldareystaan inay carruurtooda u diraan dugsiga.

Si loo yareeyo carruurta aan waxbaran, dowladda Zimbabwe ayaa qaadaysa tallaabooyin lagu xoojinayo heerka waxbarashada dalka. Qiyaastii, 20% carruurta ma tagaan dugsiyada deegaanno badan oo kamid ah dalka.

Dhanka kale, tirada ardayda ka harta waxbarashada Zimbabwe ayaa korortay. Tani waxaa loo tiiriyay sababo badan sida dhaqaale xummada, guurka xilliga hore iyo foggaanta dugsiyada qaar.

Marka la fiiriyo xoggo ka soo baxay xarunta ZimVac, ku dhawaad 60% carruurta dugsiga dhexe  ayaa loo diray guryahooda sabab la xiriirta in aysan bixin kharashaadka waxbarashada.

Sharciga cusub ee dowladda ayaa dambi ka dhigaya in ardayda loo ceyriyo lacagta waxbarashada oo aysan bixin ama in ay gabadha uur leedahay.

Kahor sharcigan, madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo ahaan jiray macallin ayaa dhaqan-geliyay siyaasad waxbarasho kaddib xurriyadii dalka 1980-kii.

About Mahad Mohamed

5 comments

  1. 5 giving a total of 22 best place to buy generic cialis online The more detailed the plan blood pressure at home is, the more places that need to be revised, This is the meaning of preparing a strategic reserve

  2. order antivert 25mg online cheap meclison gotas dosis

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan