Home / Habka-Nolosha / Zlatan Ibrahimovic  oo dib ugu soo laabtay Manchester United, lambarka 10-aad ayuu xiran doona.

Zlatan Ibrahimovic  oo dib ugu soo laabtay Manchester United, lambarka 10-aad ayuu xiran doona.

Muqdisho : Manchester United waxa ay ku farxsantahay in ay ku dhawaaqdo in Zlatan Ibrahimovic uu sii wadan doono safarkiisa kooxda, wuxuuna saxiixay hal sano oo heshiis ah, wuxuu xiran doonaa funaanadda lambarka 10-aad, ayaa lagu qoray mareegta rasmiga ah ee kooxda Reds.

Ibrahimović, oo 35 jir aha, ayaa sameeyay 46 soo muuqasho isaga oo kooxda u dhaliayay 28 gool intii lagu guda jiray olalihii 2016/17 kahor inta uusan soo gaarin dhaawac jilibka kaas oo soo dhameeyay waa yihiisi xilli ciyaareedkaas.

Zlatan waxa uu ku guuleystay afar horyaal oo kala duwan tan iyo markii kasoo bilaabay waayihiisa xirfadeed kooxda Malmo sanadkii 1999.

Jose Mourinho ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay Zlatan inuu ku soo laabto wadada si uu u soo kabsado, sidoo kale waxaan ku faraxsannahay inaan heysano riyadiisa iyo qibraddiisa, ka dib markii uu nacaawiyay xilli ciyaareedkii hore wuxuu u qalmaa kalsoonideena, Shaki iigama jiro in uu muhim inoo noqon doono qeybta labaad ee xilli ciyaareedka. ”

Zlatan Ibrahimovic ayaa yiri: “Waxaan ku soo laabtay, ma sugi karo inaan dib ugu soo laabto garoonka Old Trafford, lakiin sidoo kale waan ogahay inaan doonayo inaan qaato waqti”Si adag ayaan u shaqeynayay, waan sii wadi doonaa inaan sameeyo si aan u hubiyo inaan ku jiro xaalad fiican oo aan ku noqon karo mid ku laabta garoomada.”

W/Q: Abdi Aziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan