Home / Habka-Nolosha / Zlatan Ibrahimovic oo raali galin buuxda udiray taageerayaasha Manchester united kadib jaalihiisii shanaad ee horyaalka Englishka.

Zlatan Ibrahimovic oo raali galin buuxda udiray taageerayaasha Manchester united kadib jaalihiisii shanaad ee horyaalka Englishka.

Weerar yahanka joogga dheer ee Reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa raali galiyay taageerayaasha kooxdiisa Manchester United kadib markii uu qaatay karaka hurdiga ah (jaale) kaasi oo uu ku seegi doono kulanka Arsenal.

zlatanibrahimovicmanchesterunitedvmanchesterozdpnzlynikl

http://radiohimilo.so

Ibrahimovic ayaa uga dhaliyay labo gool kooxda Swancea city gurigooda Liberty Stadium daqiiqadihii 21aad iyo33aad intii lagu guda jiray ciyaartii ay 3-1 ay ku badisay Man Utd.

Zlatan ayuu garsoore Neil Swarbrick u taagay daqiiqadii 76-aad karka hurdiga ah kulankii shalay axadii ay garaaceen kooxda Swansea City kadib markii uu qalad ku galay Leroy fer.

Kaarkaas Zlatan loo taagay ayaa ahaa kaarkiisii 5aad oo loo taago intuu horyaalku socday taasi oo ka dhigan inuu seegi doono kulanka ay kooxdiisu ku soo dhaweyn doonto Arsenal masraxa riyada ee (old Trafford)

36f8e5db00000578-0-image-a-2_1470588893019

http://radiohimilo.so

Joog dheere Zlatan oo la hadlaya MUTV ayaa yiri, “Mar kasta oo aan isku dayo inaan ciyaarta awood ku ciyaaro, ee aan isku dayo inaan taakal sameeyo ama aan isku dayo cadaadis inaan saaro ciyaaryahanka iga soo hor jeeda, waxaan qaataa kaarka jaalaha ah”.

Ma aqaano waxa ay sharaxaadu aheyd sababtoo ah waxaan u maleynayaa in aan daalanaa mana maqleyn wax uu garsoorku I yiri.

Ibrahimovic ayaa intaasi kusii daray, “Tani waa sida ay tahay. Kubada ingiririisku way adagtahay, awood ayay ku dhisantahay. Waa inaan aqbalo Waxaan noqday xirfadle waayo arag ah Waan ka xumahay inaan seego kulanka xiga.

Waxaan u maleynyaa waxuu ahaa kulan aan rabay inaan ciyaaro lkn aanan ciyaari doonin balse waxaan aaminsanahay saaxiibadeyda kooxda, aniga iyo koxduna waan ogsoonahay in la’aantey xataa ay wacdaro muujin doonaan.

W/Q:-Abdi Aziz Adan Mohamed

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan