Home / Deegaan / Sommarøy: Jasiiradda Norway oo aysan dadkeeda xisaabsan doonin wakhtiga!

Sommarøy: Jasiiradda Norway oo aysan dadkeeda xisaabsan doonin wakhtiga!

Himilo -Jasiiradda Sommarøy ee Norway ayaa dooneysa inay meel iska dhigto la socoshada saacadaha iyadoo ku dhawaaqaysa inay ka caagan tahay oo ay xur ka tahay wakhtiga.

Dadka riixaya olo’laha ayaa sheegay in dad badan oo caalamka ku nool ay la kulmaan cadaadis iyo walwal ku saabsan saacadaha iyo wakhtiga sida laga soo xigtay wargeyska The Guardian.

“Inta badan xaaladaha, xannuunada waxay dadka kala kulmaan saacadaha lagu xisaabtamo, waxaan dooneynaa inaan noqono deegaan ka caagan taasi,” ayuu yiri Keil Vedeng oo kamid ah dadka ka shaqeynaya olo’laha.

Waxa uu intaa raaciyay “Haddii aad dooneyso inaad shaqeyso 4-ta habeenimo, way kuu furan tahay.”

Jasiiradda Sommarøy ayaa dhacda galbeedka magaalada Tromsø ee Norway iyadoo ku dhaw wareegga Cirifka Waqooyi.

Waxaa lagu tiriyaa jasiiradda oo ku caan ah kalluumeysiga goob loo dalxiis tago iyadoo dadka deegaanka dalbadeen dhowr jeer oo hore in la joojiyo saacadaha wakhtiga ee lagu xisaabtamo islamarkaana loo oggolaado inay ku dhaqaaqi karaan howl walba xilli kasta.

Waa xusid mudan in ardayda looga baahan yahay inay dugsiyada tagaan wakhtiyada caadiga ah ee subaxdii iyadoo uusan saameyn ku reebeyn go’aanka maamulka jasiiradda.

Dadka jasiiradda ayaa la nool mugdi seddexda billood ee November, December iyo January iyadoo qorraxda u soo baxdo 18 May illaa 26 July.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay go’aanka iyaga oo meel iska dhigay saacadaha gacmaha lagu xerto oo aysan u baahneyn wixii immika ka danbeeya.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan