Home / Macluumaad / 02 October – Maalinta Caalamiga ee Kahor-tagga Xadgudubka ka dhanka ah Wariyayaasha.
A presenter at Radio Shabelle reads the news. With a population that is still one of the world's poorest, radio continues to be one of the primary sources of information for many in Somalia. AU-UN IST PHOTO / TOBIN JONES.

02 October – Maalinta Caalamiga ee Kahor-tagga Xadgudubka ka dhanka ah Wariyayaasha.

Muqdisho – 11-kii sano ee lasoo dhaafay, tiro dhan 930 wariyayaal ah ayaa loo dilay soo tebinta warar iyo warbixinno bulshadoodu u baahan tahay. Celcelis ahaan, tani waxay isku ururinaysaa 1 dhimasho afartii maalmoodba. 90% dilalka wariyaasha loo geysto ma noqdaan kuwa la isku qabto oo aan maxkamad loo soo istaajinin.  Si kale marka loo yiraahdo, 10% ayaa dhacda in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha dilalka u geysta suxufiyiinta.

UNESCO waxay ka walwalsan tahay sida dhammeyn la’aanta xad-gudubyada loo geysto wariyaasha ay wax-yeelo ugu keeni karto bulshooyinka taas oo geesta kale ka xagal-daacinaysa ilaalinta xuquuqda insaanka – siina dhiirri-gelinaysa musuqa iyo danbiyada. Dowladaha, ururrada bulshada rayidka, warbaahinta iyo qof walba oo ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga waxaa la warsanayaa inay kamid noqdaan dadaallada caalamiga ah ee lagu idleynayo xad-gudubyada ka dhanka ah wariyayaasha.

Waana baaqa aqoonsiga fiirada dheer ee kahor-tagga dhammeyn la’aanta xadgudubyada midda keentay in Kal-fadhiga Guud ee QM ay 2 bishii November sanadkii 2013-ka u aqoonsato Maalinta Caalamiga ee Kahor-tagga Dhammeyn La’aanta Xad-gudubyada ka dhanka ah wariyayaasha.

Baaqa ayaa ku tirtirsiinaya xubnaha ku jira QM inay dhaqan-geliyaan halbeeg sax ah oo lagu hubsanayo kahor-taga tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Si kastaba, xuska Maalintan waxaa dib loogu celiyaa shirqoolka laba wariye oo Faransiis ah oo lagu dilay dalka Mali sanadkii 2013-ka.

Soomaaliya oo kamid ah saddexda dal ee ugu halista badan wariye inuu ka howl-galo waxaa taariikhda la qoray ugu yaraan lagu dilay 70 wariye oo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali.

Wariyaasha dalka ka shaqeeya sida kuwa kale malahan doorashada ay kaga gaashaaman karaan tumaatida lagu hayo – mana oga nuuca dhiilo oo mararka qaar keensanaysa inuu ifka si sahlan kaga tago.

Jiritaan la’aanta daba-gal mira-dhal noqda iyo kororka tirada suxufiyiinta siyaalaha kala duwan ugu dhinta dalka, Soomaaliya hoy badbaado uma ahan shaqada saxaafadda, marka loo eego UNESCO.

Tallaabta kale ee rajada liidata kusii beeraysa suxufiyiinta, ayay tiri warbixintu, waa inaysan heysan waddo ay ku hubsadaan badqabka goobaha shaqadooda. Sidaas awgeed, saxaafaddu malahan saadaal muuqata oo ay ku ogaan karaan nuuca uu u ekaan karo mustaqbalka dhow iyo midka fog.

Maalintii Khamiista, si kastaba, waxaa Muqdisho lagu qabtay munaasabad laga xusayay Maalinta Caalamiga ee kahor-tagga Dhammeyn La’aanta Xad-gudubyada ka dhanka ah wariyayaasha.

Qeybaha kala duwan ee saxaafadda madaxa bannaan iyo ururrada ay ku midaysan yihiin suxufiyiinta sida SOMA, Media for Peace, SWJ, SIMHA iyo Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa wadajir usoo agaasimay munaasabadda oo lagu muujinayay xadgudubyada muuqda iyo kuwa dahsoon ee lagu hayo wariyayaasha.

Xubno heer wasiir goboleedyo ah iyo kuwa matala dowladda dhexe ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka. Intii ay socotay waxaa lagu faaqiday xadgudubyada lagu hayo wariyayaasha. Waxaana kale oo gorfeynta ku jiray sida loo arko xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.

Wasiirada warfaafainta maamul-goboleedyada Koofur-galbeed iyo Hirshabelle oo madasha ka hadlay ayaa si lagu faani karo ugu dheeraaday in – muddada ay xilka ku fadhiyaan – aysan dhicin tacadi loo geystay wariyayaasha.

Farriintaas oo aad loogu riyaaqay waxay dhinac kaliya ka taagan tahay xaaladda suxufiyiinta dalka ka howlgala. Jirdilka, xariga iyo handadaadu wali waa qeyb kamid ah ficillada joogtada ah oo ay wariyayaashu ku shaqeeyaan. Balse si walba oo ay xaaladuhu u muuqdaan, shaqada saxaafaddu waxay murqaha ku fidsanaysaa qeybaha bulshada oo dhan – halkaas oo ilaa baraha bulshada ay wararkooda ku gaarsiiyaan bulshada.

Inta aan la gaarin ka hadalka xadgudubyada lagu hayo suxufiyiinta, dad badan ayaa qaba in dib u eegis qoto dheer marka hore lagu sameeyo hannaanka ay ku shaqeyso warbaahinta. Helidda qiimeyn sugan oo warbaahintu isaga sameyso goldaloollada muuqda iyo sida ay laf ahaanteedu warka u dhigayso, waxay qeyb dhan ka xoojin kartaa inay ku baraarugsanaadaan halka ay sartu ka qurun san tahay. Waana dhanbaal hadiyo jeer loogu tilmaamo inay deymo gaar ah u yeelato.

Balse inta saxaafadda loo arkayo muraayad qof kasta uu iskaga dhex arki karo si isla xisaabtan sidata, tacadiyadu waxay noqonayaan dhamaadka aan lagu farxin ee la soo weriyo.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan