Muqdisho – Kowda bisha December sanad kasta taniyo sanadkii 1988-kii, waa maalin caalami ah oo loogu dow-galay sare-u-qaadista wacyiga la xiriira cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka kaas oo ku fidiya feyraska halista ah ee HIV-ga iyo in sidoo kale loo baroordiiqo dadkii ku dhintay cudurkan.
Dowladaha iyo saraakiisha caafimaadka, ururrada aan dowliga ahayn iyo shaqsiyaadka adduun-weynaha oo dhan ku kala sugan ayaa Maalintan xusa – iyada oo soo jeediya aqoonta la xiriirta saameytiisa, sida looga hortagi karo ama loo maareyn karo.
Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka waa mid kamid ah sideedda ol’ole oo si rasmi ah ugu lug leh faya-dhowrka guud ee caafimaadka adduunka kaas oo ay asteysay Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Ilaa iyo sanadkan, AIDS-ku wuxuu dilay tiro u dhaxeysa 28.9 milyan ilaa 41.5 milyan oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool. Halka tiro lagu qiyaasay 36.7 milyan oo qof ay la nool yihiin feyraska HIV taas oo ka dhigtay mid kamid ah ol’olayaasha ugu muhiimsan ee sanad walba la iskugu yeero in la qiimeeyo lana tacaalo bukaannada u il-daran.
Mahad-gaar ah waxaa laga celinayaa kororka baahaya ee dawadiisa oo meelo badan oo dunida kamid ah laga heli karo. Dadka u dhinta cudurkan wuxuu hoos u dhacayay taniyo sanadkii 2005 oo uu ahaa 1.9 milyan marka lala barbar-dhigo hal milyan oo sanadkii 2016 lagu qiyaasay.
Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka waxaa markii ugu horreysay ay ku timid tala-soo-jeedin ay sameeyeen James W. Bunn iyo Thomas Netter oo ahaa laba sarkaal oo katirsan xog-heynta guud ee Barnaamijka Caalamiga ee AIDS-ka ee WHO.
Labaduba waxay fikradda ula tageen Dr. Jonathan Mann, oo agaasime ka ahaa Barnaamijka oo loo yaqaan UNAIDS. Dr. Mann ayaa aad ugu riyaaqay fikradda wuuna ansixiyay: waana markaas kolkii ay ugu danbeyntii timid in 1 Dec loo aqoonsado Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka.
Labadii sano ee ugu horreysay xuska, hal-ku-dhegga Maalintan wuxuu diiradda saaray carruurta iyo da’yarta. Barnaamijka isku xiran ee QM uga golleedahay HIV/AIDS-ka, wuxuu shaqo galay sanadkii 1996-kii, waxaana uu bud-dhigay qorsheynta iyo abaabulka Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka. Halkii diiradda la saari lahaa maalin kaliya, UNAIDS ayaa abuurtay Ol’olaha Caalamiga ee AIDS-ka sanadkii 1997-kii si tooshka loogu ifiyo iskaashiga jira ee looga golleeyahay kahortagga iyo aqoonta cudurka la xiriirta.
Sanadkii 2004, Ol’olaha Caalamiga ee AIDS-ka wuxuu noqday urur madax-bannaan.
Hal-ku-dhegga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ee AIDS-ka waxaa loo qaatay: Caafimaadkayga – Xaqayga.
Qaaradda Afrika ayaa ah midda ay ku nool yihiin bukaannada la xanuunsan cudurka AIDS-ka – halka fiditaanka feyraska HIV uu ku badan yahay. Majirto dawo si qayaxan loo daah-rogay taas oo lagu dabiibi karo cudurkan. Waxaase jira kuwa lagula tacaalo cudurka oo qofka ku saacida inuu ku sugnaado marxalad degan oo nafsi ah.
Dadka cudurkan la nool waxay noolaan karaan in ka badan inta laga filan karo. Tez Anderson oo muddo ka badan 30 sano la nool cudurkan ayaana kamid ah. Sida uu ku qoray maqaal lagu daabacay mareegta Time.com, Anderson wuxuu sheegay inuu muddo badan ku qaatay qorsheynta geeridiisa. Dhaqaatiirtu waxay u sheegeen inay noloshiisu ka dhiman tahay laba sano oo kaliya.
Balse ugu danbeyn wuxuu garowsaday in wali noloshiisa ay ka dhiman tahay waqti uusan hubin sida kuwa aan qabin AIDS-ka. Hadda waa helaha naadiga lagu magacaabo Aynu Qadaadka ku dhifano AIDS-ka oo xaruntiisu tahay San Fransisco.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.