Muqdisho – Kowdii Bishii May sanadkii 1886 xoogsato badan ayaa isugu soo baxay jidadka dalka Maraykanka – halgan weyn oo ay ku doonayeen in lagu yareeyo saacadaha shaqada oo aheyd 12 saacadood lagana dhigo 8 saacadood oo kaliya maalin kasta.
Tani waxaa la yiraahdaa waa Maydii ugu horreysay ee abid loo dabaal-dego. Si kastaba, Maalinta Caalamiga ee Shaqaale-weynaha Dunida waxay timid kadib dhacdadii Haymarket oo loo agaasimay in lagu diido wax-yeeleynta iyo tacaddiyada lagu hayo shaqaalaha. Wax yar kadibna waxaa la go’aansaday in Maraykanku u dabaal-dego Maalinta Shaqaalaha sanad kasta Isniinta koobaad ee bisha September. Maalintan sidoo kale waxaa looga dabaal-degaa dalka Kanada.
In kasta oo ay jirto shaki laga muujinayo su’aasha ah: kumuu ah qofkii ugu horreeyey ee soo jeediya xuska Maalinta Shaqaale-weynaha Adduunka?. Baaritaannada qaar ayaa tilmaama in Peter J. McGuire oo ahaa xog-hayihii guud ee Brotherhood of Carpenters iyo mid kamid ah aasaasaha American Federation of Labor uu ahaa qofkii koobaad ee soo jeediya sameynta maalin caalami ah oo loo dabaal-dego halganka adag ee shaqaalaha. Hayeeshe kuwa badan ayaa rumeysan in Matthew Maguire, uu ku tala-bixiyay maalintan inay noqoto mid nasiino.
Boqollaal dal oo dunida oo dhan ah ayaa aqoonsan Maalinta Shaqaale-weynaha Adduunka – in kasta oo 60 dal ay maalintan u tahay maalin fasax, sida uu qoray telesurtv.net.
Ururka QM u qaabilsan Shaqaale-weynaha Dunida ayaa heshay in – halka tirada dadyowga dunida ay dhan tahay 7 bilyan, kaliya saddex bilyan oo qof ay yihiin shaqaale howl-gala. 240 milyan oo qofna ay yihiin shaqo la’aan sida lagu yiri warbixin soo baxday sanadkii 2015.
Marka loo eego Ururka Shaqaala Caalamka ee ILO, iyada oo ay jirto xasaraddii 2008-da, heerka shaqa la’aanta waxay u dhaxeysay celcelis dhan 5.8% iyo 5.9% dunida oo dhan qarnigan gudihiisa. Boqollaydan waxaa la filayaa inay booskeeda ku nagaato taniyo sanadka 2019.
In kasta oo tani la micno tahay in 61 milyan oo qof oo dheeri ah ay shaqo la’aan ku dhici doonto, hadana tiro ku dhow 220 milyan oo shaqooyin cusub ah ayaa la abuuri doonaa.
Tiro lagu qiyaasay 30 milyan ayaa u dhiban xaaladaha addoonsiga casriga ah ee maanta – taas oo dakhli dhan US$32 faa’iido ah sanad kasta ku kordhisa jeebabka kuwa ku lugta leh daabulka iyo ka ganacsiga dadka.
Waxaa jira carruur laba boqol oo milyan ka badan oo dunida ka xoogsata – halkaas oo 120 milyan oo kamid ah ay ku guda-jiraan shaqooyin halis gelin kara naftooda. 73 milyan oo kamid ahna waxay ka yar yihiin da’da 10 sano jirka.
Bangiga Adduunka ayaa saadaaliya in qiyaasta wadarta xoogsatada xoojiya howlaha shaqooyinka dunida ay yihiin 3.4 bilyan oo laba bilyan kamid ah ay lab yihiin, inta kalana dhedig iyo da’yar.
Marka lagaaro sanadka 2030-ka, Banigaga Adduunka wuxuu saadaaliyay in tirada xoogsatada guud ee caalamka ay gaari doonto 4 bilyan. Dumarka shaqeeya ayuu tilmaamay inay gaari doonaan 1.6 bilyan; raggana ay sare u kici doonaan 2.4 bilyan.
Marka loo eego hal-beeg aan fadhin, celceliska mushaharka shaqaalaha dunida waxay dhan tahay US$1,200. Walow dalal badan aysan si dhameys-tiran u taabaneyn, maadaama shaqaaluhu helaan mushahar ka yar US$100 bil walba.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.