Home / Habka-Nolosha / 10 cayaaryahan oo Banaadir SC metelayay oo guul ka gaaray Horseed

10 cayaaryahan oo Banaadir SC metelayay oo guul ka gaaray Horseed

Kooxda kubadda cagta Banaadir SC ayaa libin ay u baahneyd galabta ku soo hoyday gegada Banaadir Stadium, markii ay labo cad ka dhigtay kooxda ciidanka xooga Horseed.

Qeybtii hore ee cayaarta waxaa lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah, iyadoo labada kooxood ay garoonka kusoo laabteen kaddib wada tashiyo.

Cayaaryahanka lanbarka 23aad u xirta kooxda Banaadir SC Mustapha Maxwell ayaase bilowgii qeybtii labaad cayaarta laga saaray oo kaarka cas loo taagay.

Horseed ayaanse ka faa’ideysan in nin dheeri ah uu garoonka ugu jiro marka loo eego dhigooda Banaadir.

Goolal ka kala yimid Qeys Macallin Cabdulle iyo Iman ayaana guul 2-0 ah gaarsiiyay kooxda Banaadir oo xiddig uu casaan ka qaatay.

Waa guul muhiim u aheyd kooxda Banaadir oo 15 kulan oo horyaalka ay dheeshay aan dhankeeda marna xagaagan dhulka la dhigin.

Banaadir SC iminka iyada ayaa hogaanka horyaalka heysa, waxayna leedahay 35 dhibcood.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan