Himilo FM – Dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaa la filayaa in xiddigo badan oo hadda Ingiriiska ka ciyaara ayna kasii ciyaarin oo ay daydaydaan horyaalka kale ama kooxaha ay imikadaan ku sugan yihiin ayna u ciyaaran fasalka soo aadan oo ay isaga tegaan, haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineeynaa tiro 10 ciyaaryahan oo ka dheela Premier League oo si bilaash ah ugu tegi kara kooxohooda.
#10 Juan Mata
Juan Mata waa 30 jir weerarka dhexe kaga ciyaara kooda Man Utd ee ka dheesha Premier League sidoo kale waxa uu qeyb ka yahay xulka qaranka Spain oo uu u ciyaaray 41 kulan tan iyo markii uu kulankisii ugu horreyay u ciyaaray bishii March 2009.
Dhibaatada Mata heysata waxa ay tahay in laacibkaan uu 31 jir noqon doonaa dhammaadka bishaan inkastoo United ay soo bandhigtay hal sanno oo qandaraas kordhin ah, ciyaaryahanka reer Spain ayaa dalbaday in uu doonayo in ugu yaraan labo sanno oo dheeraad ah uu ku sii joogo garoonka Old Trafford. Mata waxaa lala xiriirinayey in uu u dhaqaaqayo kooxaha Paris Saint-Germain and Juventus.
#9 Ander Herrera
Ander Herrera waa 29 jir khadbadda dhexe ka dheeli taga kooxda Manchester United, sidoo kale waa qeyb ka mid ah xulka qaranka Spain oo uu u ciyaaray laba kulan tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreyay u dheelay November 2016.
Sababta ugu weyn ee ka danbeysa in uu wada xaajoodka u dhaxeeyay Ander Herrera iyo Man United uu ku idlaado guuldarro ah ayaa ah in xiddigaan uu dalbaday £ 200,000-toddobaadkii, balse Ed Woodward ayaa u sheegay in uu diyaar u yahay in uu u bixiyo £ 170,000-toddobaadkii.
Herrera ayaa la rumeysan yahay in heshiis hordhac ah uu la galay kooxda PSG, kaasi oo uu ku qaadanayo £200,000- todobaadkii.
#8 Danny Welbeck
Danny Welbeck waa 28 jir weerarka dhexe kaga duulaan taga naadiga Arsenal, waa qeyb kamid ah xulka qaranka England isaga oo u ciyaaray 42 kulan tan iyo muuqashadiisii ugu horreyay March 2011.
Welbeck ayaa 8 kulan u ciyaaray Gunners xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool. Waxa uu dhaawac canqowga ah ku qarasha garreeyay 20kii kulan ee ugu horeysay, taasi oo ah sababta ugu weyn ee Arsenal aysan u dooneynin in ay qandaraas u cusbooneysiiso. Waxa uu isbuucii helaa 100 kun ginni xiddigan ayaana inta badan kasoo muuqan kooxda waxaana laga yaabaa in naadiga ay u turto qiimaha ay siiso laacibkaan.
#7 James Milner
James Milner waa 33 jir khadka dhexe ka dheel taga naadiga Liverpool, waa qeyb kamid ah xulka seddexda libaax ee England isaga oo kasoo muuqday 61 ciyaar tan iyo kulankiisii ugu horreeyay August 2009. Milner ayaa kamid kara xiddigaha sida bilaashka ah ugu kooxohooda xagaagan, laacibkaan ayaa hadda kamid ah safka kooxda koowaad isaga oo u ciyaaray 26 kulan waxa uu dhaliyey 4 gool iyo shan caawin.
#6 Stephan Lichsteiner
Stephan Lichsteiner oo ah 35 jir garabka midig ee daafaca kaga ciyaara Arsenal ayaa sidoo kale qeyb ka ah xulka qaranka Switzerland isaga oo u saftay 105 tan iyo ciyaartii ugu horreysay 2006.
Lichsteiner ayey kooxda soo iibsatay xagaagii la soo dhaafay isaga oo kamid ahaa ciyaartoydii ugu horreyay oo uu Unai Emery u soo iibiyey Arsenal. Haddii uu laacibkaan ka tego kooxda waxaa laga yaabaa in uu dib ugu soo laabto dalkiisa isaga oo halkaasi kusoo afmeeraya xirfaddiisa ciyaareed.
#5 David Luiz
David Luiz waa 31 jir daafaca dhexe kaga dheela Chelsea iyo qaranka Brazil oo uu u dheelay 56 dheel tan iyo August 2010. Xiddigaan heshiiskiisa ayaa ku dhow in uu soo gabagaboobo ilaa haddana la is lama afgaran heshiis kordhin waxaana laga yaabaa in uu ka tegao kooxda isaga oo dalab ka helaya dalalka carabta gaar ahaa Qatar.
#4 Olivier Giroud
Olivier Giroud oo ah 32 jir weerarka dhexe ka duulaan taga naadiga Chelsea ayaa sidoo kale qeyb ka ah qaranka France oo uu u ciyaaray 89 kulan tan iyo November 2011 isaga oo dhaliyey 35 gool. Kooxda Chelsea ayaa ikhtiyaar u leh in ay heshiis hal sano ah u kordhiso Giroud, laacibkaan ayaa jeclaan lahaa in uu iska sii joogo garoonka Stamford Bridge wakhti dheer.
Giroud ayaa 23 kulan kooxda u ciyaaray xilli ciyaareedkaan isaga oo dhaliyey laba gool iyo afar caawin taasina waa mid aan la aqbali karin kuna riixyesa in xiddigaan uu kooxda muhiim uusan u aheyn. Paris Saint-Germain ayaa xiisa u heysa xiddigaan qaadashadiisa.
#3 Nacho Monreal
Nacho Monreal waa 33 jir garabka bidix ee daafaca kaga ciyaara kooxda Arsenal iyo xulka Spain oo uu 22 jeer tan iyo August 2009.
Waa mid kamid ah furayaasha daacafa Arsenal, inkastoo uu laacibkaan uu haleelay dhaawa oo ay u sii dheer tahay da’diisu oo aan u saamaxeyn in uu wax badan garoonka ku jiro taasina waa sababta ay Arsenal u damacsan tahay in ayna heshiis cusub u kordhin uu si bilaash ah kooxda ugu hayaamo.
#2 Daniel Sturridge
Daniel Sturridge oo ah 29 jir weerarka dhexe kaga duulaan taga Liverpool ayaa sioo kale qeyb ka ah qaranka England oo uu u dheelay 26 ciyaar tan iyo November 2011.
Xiddigan ayaa kooxda u ciyaaray 16 kulan waxaana uu qandraaskiisa uu dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkaan, waxaana laga yaabaa in uu kooxda si bilaasha ugu tego maadaama dhaawacyadiisu ay yihiin kuwa xaddhaaf ah.
#1 Vincent Kompany
Vincent Kompany waa 32 jir daafaca dhexe kaga ciyaara kooxda Manchester City iyo qaranka Belgium oo uu u dheelay 87 kulan tan iyo February 2004.
Kompany oo ku biiray Man City 2008 ayaa laga yaabaa in uu isaga tego dhammaadka fasal ciyaareedkan kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium, maadaama dhaawacyo badan ay harreeyen xiddigaan. Z������