Home / Maalmaha Caalamiga / 10 Dec – Maalinta caalamiga ee xuquuqda Aadanaha
Kidnapped boy tied with rope. stop abusing violence.concept for kidnapping, violence, terrified, Human Rights

10 Dec – Maalinta caalamiga ee xuquuqda Aadanaha

Himilo- Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha waxaa la xusaa sannad kasta 10-ka bisha Dec – oo ah maalintii Kal-fadhiga Guud ee QM uu la qabsaday Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha sanadkii 1948-kii.

Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha wuxuu ka kooban yahay ama lagu xusay 30 xuquuqul-Insaan oo qofku xaq u leeyahay heliddeeda. Hayeeshe, dunida wali kama aysan idlaanin rabshadaha iyo xad-gudubka ka-dhan-ka-ah xuquuqda aadanaha.

Kumaankun qofood oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa u dhaxeeya qax, qalalaaso iyo xasuuq. QM ayaa ku qeexday gumaadka ka-dhanka-ah tira-yarta Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Buudiska u badan ee Myanmar – buugga isir-sifeynta.

Kufsiga iyo guur-ka-huriweytada ah ee lagula kaco qaxootiga Rohingya ee usoo baxsada dalka Bangaladesh ayaa sidoo kale qeyb weyn kaga jira xad-gudubyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha ka-dhanka-ah ee qarnigan la diiwaan-geliyay.

Si kale marka loo yiraahdo, dadka Rohingya waa tira-yarta loogu dhibaataynta badan yahay dadyowga adduunka kuwaas oo xittaa waddamada ay uga baxsadeen xasuuqa lagu hayo aan ku heli soo dhaweyn huwan nabad-gelyo iyo gargaar caalami ah.

Is-kahor-imaadyada hubeysan waxay dileen inka badan laba milyan oo carruur ah, cuuryaamiyeen 4-5 milyan – halka 12 milyan oo kale ay dhigeen hoy la’aan: hal milyanna ay agoomeeyeen 10-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxaa jira tiro lagu mala-awaalay 246 milyan oo carruur ah kuwaas oo xoogooda lagu shaqeysto dunida oo dhan. Geeddi-socodka taariikhda, haweenku waxay ahaayeen kuwa loo diido wax-barashada iyo micno walba oo ay ku suura-gelin karaan wax-u-qabsashada lafahooda iyo carruurtooda.  

Halka dad badan aysan heli karin hanashada xuquuqaadka aas’aasiga u ah, haddana dhammaan adduunka oo dhami si siman uguma wada raaxaysan karo qoddobada xuquuqda aadanaha ee lagu saxiixay Baaqa Caalamiga. Wax laga yaabo inaysan dad badan ula muuqan xuquuq dadka kala dhaxeysa ayaa caadi ka noqday bulshada dhexdeeda.

Soomaaliya waxay kamid tahay goobaha aadku uga jiro xad-gudubyada kala duwan ee xuquuqda Aadanaha, marka loo eego warfidiyeenka caalamka. Suxufiyiintu waa kuwa ku jira kaalmaha hore.

Balse dhinaca qaraar ee ka-dhanka-ah xuquuqda aadanaha oo dalka ka jira waa sida aan u awoodi weynay u dabaal-degista kala duwanaanshaheenna taas oo gunta ka jaraysa isku duubnideenna iyo wada noolaanshaha naga dhaxeeya.

Kala bar mushaakilka ku horgudban isku xirnaanteenna waxaa loo celin karaa dhowris la’aanta xuquuqda aan isku leennahay taas oo mar kasta albaab cusub u furaysa sedbursiino iyo qoonsimaad.

Maanta oo dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, waa muhiim inaan dib u garowsano xuquuqda aan isku leennahay iyo sida aan ku ilaalin karno mas’uuliyadda naga saaran dhowrista xaqqa mid kasta oo inaga mid ah ku leeyahay dhiggiisa Soomaaliga ah – u eegis la’aan midabkiisa, qabiilkiisa, mad-habtiisa, deegaankiisa iyo wixii la halmaala.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan