Home / Habka-Nolosha / 10 jir qashin qubka ku dhex akhristay buug xiiso geliyay

10 jir qashin qubka ku dhex akhristay buug xiiso geliyay

Himilo – Baraha bulshada ku wada xiriirto ayaa aad looga hadal hayaa sawirka wiil Suuriyaan ah oo la yiraahdo Xuseen, oo ku nool xero qaxooti oo ku taalla dalka Lubnaan, waqtigaas oo uu akhrinaayay buug uu ka dhex helay weel qashinka lagu rido, xilli uu mid kamid ah xaafadaha uu ka urursanaayay caagadaha la iska tuuray.

Sawirka waxaa qaaday Injineer Rodrigue Maghames xilli uu la kulmay da’yarkan Suuriyaanka ah oo ku dhex akhrinaya buug qashin qubka, xilli uu ku howlanaa aruurinta caagadaha si uu uga helo nolol maalmeedkiisa.

Rodrigue waxa uu sheegay – sida laga soo xigtay baraha bulshadu ku kulanto – in aanu rumaysan waxa uu arkay, sababtoo ah cunugga waxa uu buugga daalacanayay in ka badan 7 daqiiqo si xamaasad iyo jacayl ku jirto.

Muuqaal ay baahisay warbaahinta Lubnaan, ayaa wiilkan oo lagu magacaabo Xuseen waxa uu ku sheegay in haddii buugga uu ka dhex helay weelka qashinka uu isagu ahaan lahaa aanu tuureen, waxa hadalkiisa raaciyay in uu buug soo iibsado mar kasta oo uu lacag urursado.

Sawirka Xuseen oo buugga ku dhex akhrinaya weelka qashinka korkiisa waxaa aad u soo dhaweeyay hormuudka aaladaha isgaarsiinta ee Suuriya iyo Lubnaan.

Wasiirkii hore ee Lubnaan Sejiin Azzi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “In kasta oo dhalashada carruurnimada ay tahay mid caalami ah, haddana waxaan soo jeedinayaa in dawladda Lubnaan ay dhalasho siiso Xuseen, ilmaha Suuriyaanka ah ee 10 jirka ah oo buug ka dhex helay qashinka u fadhiistay si uu u akhriyo. Aqoonsiga Lubnaan waa aqoonsiga qalbiga, tani waa farriintii Lubnaan ee carruurnimada iyo dhaqanka iyo aadanaha.

Qoraaga Suuriyaanka ah ee Cali Sweid waxa uu isna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Aqoontu waa nuur iyo karaamo, Xuseen waa ilmo Suuriyaan ah oo u haajiray Lubnaan, galabtii ayuu qashinka guraa, subaxdiina dugsiga ayuu aadaa, qashin qubka ayuu buug ka helay, si hamuun leh ayuuna u daalacday.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan