Home / Deegaan / 10-ka dal ee dadkooda waaweyn ka badan yihiin carruurta

10-ka dal ee dadkooda waaweyn ka badan yihiin carruurta

Himilo- Dadka da’da ah ayaa noqonaya kuwa ugu badan ee caalamka, waxaana sababta loo arkaa hoos u dhaca heerka dhalmada dunida iyo kororka dadka ku jira da’ dhexaadka.

Markii ugu horreysay taariikhda sannadkii 2008-dii, tirada dadka caalamka ee da’dooda dhaafsiisan tahay 64 sanno ayaa ka badatay carruurta da’dooda ka yartahay 5 sanno.

Khubarada arrimaha bulshada ayaa ku sheegay sababta arrintan inay tahay hoos u dhaca heerka dhalmada dunida.

Haddaba Radiohimilo.so waxa uu halkan kugu soo gudbinayaa 10-ka dal oo ay ku nool yihiin tirada ugu yar ee carruur.

1) Hong Kong

Waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah xarumaha ugu weyn dhinaca maaliyadda ee Asia iyo caalamka. Heerka dhalmada maamulkan ayaa liidata. Sidaasi oo ay tahay, dadka Hong Kong ayaa sii kordhaya iyadoo ugu wacan tahay heerka qulqulka muhaajiriinta.

2) Jabaan

Jabaan ayaa kamid ah dalalka leh dhaqaale xooggan. Waxaa ku badan dadka da’ dhexaadka ah iyo heerka dhimashada carruurta.

3) Jarmalka

Jarmalka ayaa ku jira liiska hore ee dalalka hoggaamiya warshadaha iyo tiknolojiyadda. Waa dal horumarsan oo ay dadkiisa heystaan nolol wanaagsan. Waxaa intaa u dheer adeegyada caafimaad ee tayeysan.

4) Koonfur Kuuriya

Waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan caalamka. Isir ahaan, 96% dadkeeda waa Kuuriyaan hase ahaatee waxaa tagayay ajaanib badan sannadihii ugu danbeeyay.

5) Portugal

Waa dal leh warshado iyo beero waaweyn. Inka badan 70% dadkiisa waxay ku nool yihiin magaalo xeebeedyada.

6) Talyaaniga

Talyaaniga ayaa ah dal ku caan-baxay warshadaha iyo beeraha. Inta badan dadkiisa waxay ku nool yihiin dhinaca waqooyi ee dalka.

7) Macao

Waa maamul hoos taga Shiinaha. Inkastoo Shiinaha uusan ka cabaneyn hoos u dhaca dhinaca dhalmada ah haddana Macao iyo Hong Kong ayaa wajahaya caqabadan.

8) Qatar

Waaa dalka seddexaad ee leh keydka ugu badan ee gaas dunid oo dhan. Ajaanib u badan kuwa ka soo jeeda Asia ayaa ku nool dalkan yar.

9) Imaaraadka Carabta

Waa dal katirsan bariga dhexe oo ka kooban 7 gobal. Ku dhawaad 85% dadka ku nool ma heystaan dhalashada dal oo intooda badan waxay ka yimaadeen dalalka Carabta iyo Afrika.

10) Australia

Inkastoo uu jiro hoos u dhac ku qotoma heerka dhalashada haddana muhaajiriin badan ayaa taga dalkan.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan