Himilo – Adeegsiga sigaarka iyo waxyaabaha la hal-maala keliya ma waxyeeleeyaan sanbabada qofka balse waxay sidoo kale waxyeeleeyaan guud ahaan jirka qofka.
10 March, waxay u beegan tahay maalin loo ol-oleeyo joojinta adeegsiga sigaarka, tubaakada iyo waxyaabaha la mid ah ee halista ku ah qofka caafimaadkiisa.
Ujeedada waxay tahay in la baahiyo wacyiga bulshada ee saamaynta ka dhalata tukaabada noocadeeda kale duwa. Cilmi baaris ayaa lagu sheegay in 10 qof ee cabba uu midi iska joojiyo maalintan.
Dadka adeegsada tubaakada kala bar iyada ayaa disha. Sida ku cad tiro koobyada WHO in ka badan 8 milyan oo qof ayaa sanad kasta u dhinta.
Hay’adda caafimaadka adduunka, waxay sheegtay in 80% dad adeegsada tubaakada ay ku nool yihiin waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa meel dhexaadka ah.