Home / Habka-Nolosha / 10 sanno ayaa lagu xukumay markii ay ka been sheegtay sooyaalkeeda qofeed(CV)

10 sanno ayaa lagu xukumay markii ay ka been sheegtay sooyaalkeeda qofeed(CV)

Himilo FM  – Maxkamad ku taala dalka Giriiga ayaa 10 sano oo xarrig ah waxay ku xukuntay haweenay ka shaqeysa nadaafadda sabab lagu sheegay been yar oo ay ku qortay sooyaalkeeda qofeed ee CV-ga.

Wargeyska Daily Mail ayaa ku soo waramaya in haweenayda oo da’deedu tahay 53 sano jir ay ka shaqo billowday xarun dowladda maamusho 15 sano kahor laakiin baaritaan kaddib waxaa la oggaaday in haweenaydu ka been sheegtay waxbarashadeeda hoose.

Waxay haweenaydu ku sheegtay sooyaalkeeda qofeed inay muddo 6 sano ah dhiganaysay dugsiga hoose laakiin waxaa caddaatay inay dhiganaysay muddo 5 sano ah.

Shuruudaha xarunta ay ka shaqeynaysay waxaa kamid ahaa in qofku soo dhammeysto 6-da sanno ee dugsiga hoose si booska loogu qaato.

Maxkamadda ayaa u jeedisay haweenayda eedeynta ah inay khiyaano sameysay hase ahaatee kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u dhaleeceeyay go’aanka maxkamadda oo ay ku tilmaameen mid “ cadaalad darro ah” oo muujinaya sida uu u xun yahay garsoorka Giriiga.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan