Home / Habka-Nolosha / 100-jir ka qalin-badeshay dugsiga sare

100-jir ka qalin-badeshay dugsiga sare

Himilo – Waxbarashada lagama gabagoobo, waxaa tusaalle u ah Albert Montella oo kasoo jeeda gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Todobaadyo kahor inta uusan u dabaal degin dhalashadiisa boqolaad ayuu shahaadadiisa dugsiga sare ka qaatay dugsiga Rose Tree Media School.

Muuqaal baahiye gudaha ah ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay qaadashada shahaadada dugsiga sare, taas oo ay ahayd riyo fog oo uu mudaba sugayay.

 “Awoowahey waxa uu sameeyay naf-hurnimo, si uu u caawiyo qoyskeena, hadda ku dhawaad waa boqol jir, sidaasi daraateed aad ayaan ugu faraxsanahay” Michelle Archie ayaa ka sheegay munaasibadda shahaadada lagu guddoonsiinayay awoowgii Montella.

Montella, ayaa waxbarashadiisii ka tagay asiga oo aan dhammeysan sanadkii 1938-kii si uu u caawiyo qoyskiisa. Waxaan ugu danbeyntii uu kamid noqday askartii ka qeyb gashay dagaalkii labaad ee dunida.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan