Himilo – Wargeyska the Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in haweeney 104-jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya ay ku noolayd muddo sannad ah isbeddel asaasi ah oo ku yimi hab-nololeedkeeda; Kaddib markii ay kacday si ay u kariso oo ay u nadiifiso alaabta, waxay bilawday maalintaa isku day ahaa akhrinta wargeyska Malayala Manorama ee maxaliga ah.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in, bishii April ee aynu soo dhaafnay, Kotiyama ay gaartay riyada nolosheeda, markii ay awood u yeelatay in ay akhriso wargeyskeeda maalinlaha ah iyada oo aan la caawin.
“Mar walba waxaan aad u xiiseeyay waxa ka dhacaya adduunka oo dhan,” Kotiyama ayaa tiri iyadoo joogta gurigeeda oo ku yaala tuulada Thiru Venture ee gobolka Kerala.
“Marar badan ayaan ka shallaayey in aan akhrin kari waayay wargeysyada, waxaanan ku boorin jiray jiilasha yaryar ee guriga jooga inay ii akhriyaan wargeysyada.
“Waxaan mar walba doonayay inaan qoro magacayga iyo ciwaankayga,” ayay tidhi.
Kaddib bilo casharo ay gelinka dambe qaadaneysay, waxay go’aansatay in ay ku qaadato imtixaanka aasaasiga ah ee akhris-qoraalka gudaha Kerala bishii la soo dhaafay, Waxayna ahayd haweeneydii ugu da’da weyneyd ee sidaasi sameysa.
Natiijada imtixaankeeda ayaa noqday mid lama filaan ah, waxayna awooday inay ku gudubto dhibco gaaraya 89% akhriska iyo qoraalka, halka xisaabtana ay xaqiijisay 100%.
Ammaan ayay ka heshay wasiirka waxbarashada ee gobolkeeda, kaas oo bartiisa twitter-ka ku soo qoray “Da’du caqabad kuma aha aqoonta. Ixtiraamka iyo jacaylka ugu sarreeya, waxaan u rajeynayaa Kotiyama iyo dhammaan ardayda cusub. ”
Inta badan 104-tii sanno ee ay jirtay, Kotiyama waxa ay hamuun u qabtay akhriska oo inta badan waxa ay isku dayi jirtay in ay iyadu lafteeda qorto alifbeetada, balse waxa ay ku dhalatay tuulo ay degan yihiin qoys dabaqad hoose ah oo reer miyi ah, mana jirin wax waxbarasho ah oo la heli karay xilligii ay soo barbaareysay.
“Waxbarashada xubnaha qoyska ee haweenka waxay ahayd mid aan su’aal ka taagnayn tuuladayda wakhtigaas,” Kotiyama ayaa tiri. Xataa wiilashu waxay joojiyeen waxbarashadoodii. Waalidiintaydu waxay ahaayeen shaqaale beeraley ah oo aan dhul lahayn, waxayna ahayd waajibkayga inaan cunto kariyo, dharka u dhaqo, oo aan u xannaaneeyo kow iyo toban walaalahay ah.”
“Sidaas ayaan nolosheyda ku sii watay, waan guursaday anigoo 16 jir ah, waxaana dhalay shan carruur ah.”
Waxaa ku dhiirrigaliyay deriskeeda Rehana Jun oo 34 sanno jir ah, oo ah tababare akhris-qoraalka, Kotiyama ayaa lagu qanciyay inay bilowdo barashada akhriska.
Dhiirigelin dabacsan kaddib, waxa ay bilaabeen in ay kulmaan oo ay wada bartaan buugaagta akhris-qoraalka.
Wargeyska the Guardian-ka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Kotiyama ay higsanayso inay ku guulaysato imtixaanka afraad, kaas oo ardaydu inta badan kaga gudbaan da’da sagaal jirka.