Home / Caafimaad / 106-jir ka bogsatay Feyruska Corona

106-jir ka bogsatay Feyruska Corona

Himilo – Haweeney 106-jir ah oo ku nool gobolka Maharashtra ee dalka India, ayaa laga saaray isbitaalka, kadib markii ay ka bogsatay xanuunka COVID-19.

Haweeneydan oo wajigeeda ay ka muuqato farxad, ayaa la guddoonsiiyay shahaadadeeda caafimaadka, kahor inta aanan laga saarin isbtaalka oo ay ku jirtay toban cisho.

“Markii ugu horreeysay ee lagu arkay astaamaha xanuunka, isbitaal-na diyaar uma ahayn inuu ina qaabilo da’deeda darteed” ayey tiri, gabar ayey ayeeyo u tahay haweeneydan kasoo kabsatay Corona.

“Waan ku faraxsanahay inaan arko ayeeyo oo isbitaalka laga saarayo kadib markii ay kasoo kabsatay xanuunka” ayey sii raacisay.

Waxey u mahadcelisay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaashii la tacaalayay xaaladda ayeeydeed.

Dr Rahul Ghule, agaasimaha isbitaalka One Rupee Clinic –ee haweeneyda lagu dabiibay-, ayaa sheegay in xaruntan caafimaad oo la furay 27-kii July ee sanadka lagu daweeyay 1,100 bukaan oo qabay COVID-19.

India ayaa kaalinta labaad kaga jirta wadamada laga soo wariyay kiisaska ugu badan ee COVID-19, iyadoo dad ka badan Shan milyan oo ruux uu ku dhacay xanuunka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan