Home / Deegaan / 11 Dec- Maalinta caalamiga ee buuraha

11 Dec- Maalinta caalamiga ee buuraha

Himilo- Buuraha ayaa gabbaad u ah 15% dadka caalamka iyo afar meelood meel xayawaanada iyo dhirta dhulka. Waxaa biyo nadiif ka hela kala bar dadka caalamka. Tani waxay abuureysaa ahmiyadda ilaalintooda oo qeyb ka ah yoolalka Qaramada Midoobay ee sannadka 2030-ka.

Nasiib xummo, buuraha ayaa wajahaya khatar kaga imaaneysa isbadalka cimilada iyo ka faa’iideysiga aan xadka laheyn. Xilli kuleylka dunida sii kordhayo, dadka ku nool buuraha oo ah kuwa ugu saboolsan caalamka ayaa halgan ugu jira badbaadada noloshooda.

Maalinta caalamiga ee buuraha waxaa loo arkaa fursad lagu muujin karo codka dhallinyarada ku nool dhulka buuraleyda ah. Dadka oo ka qaxa buuraha ayaa sabab u noqon karta in meel looga tago beerashada iyo dhaqamadii asalka ahaa.

Waxbarasho, tababar iyo fursado shaqo ayaa mustaqbal wanaagsan u abuuri kara da’yarta ku nool dhulka buuraleyda ah meel kasta oo caalamka ah.

Hal-ku-dhegga sannadkan ayaa loo qaatay ‘ Buuraha wax weyn ayay u yihiin dhallinyarada’ iyadoo la dhiira gelinayo in dhallinyarada deggan buuraha kamid noqdaan qorshayaasha horumarinta heer qaran iyo caalami.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan