Home / Arrimaha Bulshada / 11 Febraayo- Maalinta caalamiga ee haweenka iyo gabdhaha ee Sayniska

11 Febraayo- Maalinta caalamiga ee haweenka iyo gabdhaha ee Sayniska

Himilo – Sayniska iyo sinnaanta jinsiga labaduba waxay bar muhiim ah kaga jiraan ku guuleysiga tiigsiga horumarineed ee bar dhammaadka Qaramada Midoobay sannadka 2030. Bulshooyinka caalamka ayaa 15-kii sanno ee tagay isku hawlay dhiiri-gelinta haweenka iyo gabdhaha ee sayniska.

Tirada dumarka doorta inay bartaan waxbarashada sare ee culuumta tiknolojiyadda, sayniska, xisaabta iyo culuumta kale waxaa lagu qiyaasay 30% Sida laga soo xigtay xogta UNESCO.

Marka la sii kala qaado culuumtan Tiknolojiyadda dumarku waxay ka yihiin 3%, sayniska, xisaabta waxay ka yihiin 5%,halka culuumta dhismaha ay ka haystaan 8%. Dhanka cilmi baarayaasha marka la eego dumarka waa wax ka yar 30%. Wasaaradaha waxbarashada ayaa ka mid ah hay’adaha laga doonayo inay kaalin wayn ka  qaataan waxbaridda dumarka.

22 December sannadkii 2015 ayaa golaha ammaanka ee jamciyadda quruumaha ka dhexaysa go’aandasay in la sameeyo maalin caalami ah oo lagu aqoonsanayo doorka muhiimka ah ee haweenka iyo gabdhaha ay ka ciyaaraan sayniska iyo tiknoolajiyada.

Qaraarkii meel-marinta kaddib waxaa la isla qaatay in sannad kasta loo dabaal deggo 11 Febraayo lana xuso maalinta  caalamiga ee haweenka iyo gabdhaha ee Sayniska, ujeedaduna waa in dumarka lagu dhiiri-geliyo barashada Saysinka.

Marka dib loo raad-raaco maalintan iyadoo laga duulayo qaraarka QM waxay aheyd maalin ku suntan sinnaan helid, waa maalin ay ansixiyeen dhammaan dawladaha katirsan Qaramada Midoobay, si horudhac ah sannadkan waxaa loo sii qorsheeyay in looga dabaal deggo inka badan 68 dal!

“Waxaan bogaadinayaa ka go’naanshaha in la dhameeyo eex, dhammaan haweenka iyo gabdhuhu waa inay hormarinta xirfadahooda mustaqbalka ee culuumta Tiknojiyadda, xisaabta, Sayniska iyo injineeriyada” sidaa waxaa maalintan ka yiri xoghayaha guud ee QM António Guterres.

UNESCO iyo hay’adaha bah wadaagta la ah waxay ku dadaalayaan in dumarka laga dhaadhiciyo inay ka dhex muuqdaan culuumta loo soo gaabiyo STEM, waxaa kale oo aan meesha ka maqneyn in caqabadaha jira la yareeyo.

Munaasabadda sannadkan iyo kuwii ka horreeyay ayaa xoojinaya in dumarku noqdaan kuwo barta Culuumta sayniska si la mid ah ragga, iyadoo sanadba wax gaar ah diiradda la saaro, sanadkan waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “maal-gashiga haweenka iyo gabdhaha ee saysinka si loo beegsado horumar.”

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan