Home / Maalmaha Caalamiga / 11 July – Maalinta caalamiga ee dadyowga caalamka

11 July – Maalinta caalamiga ee dadyowga caalamka

Himilo – Maalinta Caalamiga ee Dadyowga taas oo raadisa inay diiradda saarto dardar-gelinta ah iyo muhiimadda xaaladaha dadyowga waxaa markii ugu horreysay dhistay Guddi QM u qaabilsanaa horumarinta barnaamijyada sannadkii 1989. Taniyo markaasna, maalintan waxaa loo asteeyey 11 July sannad kasta in looga dabaal-dego in ka badan 90 dal.

Qiyaasta hadda jirta ayaa qeexda in 83 Malyuun oo dad ah ay kusoo kordhaan dadyowga caalamka sannad kasta. Xittaa iyada oo aan la dafiri karin sida heerka dhalmada ee taranka qaar oo haweenka dunida kamid ah u liicayso, dadyowga caalamka waxaa la filayaa inay gaaraan 8.6 Bilyan sannadka 2030-ka – 9.8 bilyan sanadka 2050 iyo 11.2 bilyan sannadka 2100, marka loo eego saadaal isku dhaf ah oo la sameeyey.

Marka loo eego cilmi-baaris la sameeyey, si dhaqan umadeed tarankiisu usii jiro in ka badan 25 sannadood, waa in la helaa celcelis dhan 2.11 carruur ah inay dhasho haweeney kasta. Intaas wixii kasii hooseeya, way adag tahay in umaddaas kusii jirto. Taariikh ahaan, lama sheegin ummad ama dad 1.9 carruur oo ay haweeneydiiba dhasho kusii jiray. Waayo waxay qaadan doontaa inay dib isku saxdo tiradaas muddo 100 sannadood ah.

Si kale marka loo dhigo, haddii laba qoys kasta ay dhalaan min hal cunug, way adag tahay in la helo da’dii iyaga badali lahayd. Haddii hal Milyan oo carruur ah la dhalay sannadkii 2006-da, way adag tahay in helo labo Milyan oo carruur ah marka la gaaro sannadka 2026-ka.

Marka taranka bulshadu liico, waxaa sii luma jiritaanka dhaqameed ee ummadaha. Sidaas darteed, Yurub waxay noqoneysaa qaarad gabowgu ku badan yahay. Celceliska isku darka dhowr iyo 30-ka dal ee ku midaysan Midowga Yurub waa 1.38 carruur haweeneydiiba. Cilmi-baaris taariikhiga ah ayaa tilmaamtay in tiradan aysan suura-gal ahayn inay soo kabsato.

Sannado tirsamaya kaddibna, Yurub sida aan ognahay waxa ku adkaanaysa inay sii jirto. Haddana dadyowga Yurub ku nool maliicayaan, sababta oo ah waxaa ku badan soogalootiga sannad kasta kusii qulqulaya. Intooda badanna waa muhaajiriin kasoo hayaamay dalal Muslimiin ah.

Hayeeshe, qaaradda Afrika ayaa leh taranka ugu badan ee dadyowga caalamka. In kasta oo dagaallada sokeeye, tahriibka, gaajada, faqriga iyo wixii lamid ah ay yihiin mushkilad hoos u dhigaysa tirada dadyowga, haddana marka loo eego taranka haweeneyda Afrika ku nool caqabadahani uma muuqdaan si weyn.

Cudurrada qaar sida Duumada, Qaaxada oo lagu tilmaamo jirada saboolka iyo kan dilaaga ah ee AIDS-ka ayaa iyaguna saameyn muuqata kaga jira caqabadaha dib ula haray dadyowga Afrika.

Balse sida hadba qaarad kasta u wajahayso dhibteeda gaarka ah, ayay iskugu dayaysaa inay hubsato badqabka dadyowgeeda iyo tallaabo kasta oo xal ula muuqda. Hayeeshe, looma wada sinna dadaalladaas.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan