12 August- Maalinta caalamiga ee dhallinyarada

Himilo – Ku dhawaad 1.8 Bilyan oo dhallinayaro ah oo da’dooda u dhaxayso 10 illaa 24 jir ayaa ku nool caalamka. Waa tiradii ugu badneyd ee da’yar ah. Si kasta, kala bar carruurta iyo qaangaarka ayaan helin xirfadaha akhrinta aas-aasiga ah ee xisaabta inkastoo intooda badan ay ku jiraan dugsiyada.

Maalinta caalaamiga ah ee dhallinyarada waxaa la asteeyay sannadkii 1999-kii oo golaha guud ee QM uu isku raacay in laga dhigo maalin loo dabaal deggo kaalinta da’yarta leh rag iyo dumar ee isbadalka iyada oo loo arkayo fursad kor loogu qaadi karo wacyiga la xiriira caqabadaha ay wajahayaan dhallinyarada dunida.

Hal-ku-dhegga sannadka 2020 ee maalinta caalamiga ee dhallinyarada ayaa loo qaatay“ Falgalka da’yarta ee tallaabo caalaami ah ,”  si loo dhiira geliyo kaalintooda heer dal ama caalami.

Mid kamid ah ujeedooyinka maalintan ayaa ah in la qiimeeyo sida dowladaha, da’yarta iyo ururada ay hoggaamiyaan dhallinyarada ay u beddali karaan waxbarashada si ay u noqoto awood weyn oo lagu gaaro yoolalka Qaramada Midoobay.

Kaalinta muhiimka ah ee waxbarashada ka ciyaari karto horumarka dhallinyarada ayaa si weyn loo aqoonsan yahay. Waxaa kale oo muhiim ah in la xuso in da’yarta leeyihiin awoodda ah inay qudhooda hormuud u noqdaan yoolalka la hiigsanayo, taasina waxaa lagu xaqiijin karaa marka laga faa’iideysto hal-abuurkooda.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan