Himilo – Wiil yar oo 12 jir ah oo u dhashay Nigeria ayaa rajaynaya inuu mustaqbalka kubbada cagta adduunka ka dhex muuqdo, kaddib markii uu dhigay rikoor cusub oo kubadda cagta ah.
Rikoorka uu dhigay ayaa ah inuu kubbada ku mooleeyo qabab kala duwan, isagoo madaxa ku haya kubad kale muddo hal daqiiqo ah, Chinonso Ichi wuxuu noqday mid diiradda saara baraha bulshada oo uu ku soo gudbiyo hababkiisa cajiibka ah ee Kubadda cagta ah.
Wiilkan yar ayaa xaqiijiyay inuu nafsad ahaantiisa isaga is baray xirfadahaan, inkastoo ay saameyn ku yeesheen xiddigaha caalamiga ah sida Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo cayaaryahankii qadka dhexe ee reer Nigeria ee howlgabka noqday Jay-Jay Okocha.
Cayaaryahankan da’da yar ayaa yiri, “Ma jiro qof wax i baray, laakiin aabbahay wuxuu saameyn ku yeeshay noloshayda isagoo itusin jiray muuqaalo cajiib ah oo kubadda cagta ah, aniguna waan ka bartay”.
Wiilka, oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Warri ee dalka Nigeria ayaa ku guuleystey inuu kubbadda heysto oo uu mooleeyo 111 jeer, 60 ilbidhiqsi gudahood isagoo madaxa ku haysta kubbad kale, si uu u galo buugga Diiwaanka Guinness ee sannadkan 2021.
“Riyadaydu waa inaan noqdo ciyaaryahan kubbadda cagta ah iyo hoggaamiye caalami ah oo ka dhex muuqda kubadda cagta iyo inaan u safro dunida oo dhan,” ayuu yiri da’yarkan Nigeeriyaanka ah.
Wuxuu intaas ku daray inuu ku taamayo mustaqbalka inuu dhaliyo laba kun oo goolal ah, isagoo kubad madaxiisa ku haaya.