Himilo – Qof waliba oo bulshada ka mid ah waxa uu kaalin ka qaadan karaa caawinta iyo samatabixinta mujtamaca da’ iyo darajo waliba oo uu yahay.
Tommy Rhomberg oo ah 12-jir, ayaa waxaa duufaan ku dhufatay gobolka uu nool yahay ee Iowa ee Mareykanka, taas oo saameyn taban oo muuqata reebtay, waxa uuse ka fikiray wado uu ku caawin karo bulshadiisa daalaadhaceysa.
Geedihii ay dhulka dhigtay dhuufaanta, ayaa xudun u noqday ololaha uu ku caawinayo dadkiisa, waxa uu billaabay inuu ka sameeyo Usha lagu ciyaaro baseball-ka.
“Waxaan nahay kuwa nasiib badan oo wax burbur ah uusan soo gaarin balse xaafadda waxaa jira dad guryahoodu qeyb ka mida ay burbureen, waxaan doonayaa marka inaan lacag u uruuriyo si aan u caawiyo” ayuu Tommy u sheegay CBC.
Shaqadan oo uu ku caawiyo aabihiis ayaa sahashay in la helo adduun dhan $2,500, si loo caawiyo dadka ku saamoobay duufaantii August ku dhufatay Iowa oo ay ku geeriyoodeen laba ruux, burburisay kumanaanka guri ee dhulka ku dartay dalagyo ku yaalay malaayiin hector oo dhul beereed ah.
Inkastoo uu yahay arday, haddana waxa uu wadaa shaqadaan oo laba bil jirsatay ee dalabaadkeedu isi soo tarayo.