Himilo FM –Hay’adda shaqada caalamiga ah ee ILO ayaa billowday maalinta caalamiga ah ee ka dhanka ah shaqaaleysiinta carruurta sannadkii 2002-dii si diiradda loo saaro heerka carruurta la shaqaaleysiiyo iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo joojiyo.
Sannad kasta 12-ka bisha June, waxay maalintan caalamiga ah kulmisaa dowladaha, shaqaalaha iyo ururada rayidka si loo muujiyo dhibaatada shaqaaleysiinta carruurta iyo waxa laga sameyn karo.
Yoolalka horumarinta waara ee QM oo ay ansixiyeen hoggaamiyaaasha caalamka sannadkii 2015-kii waxaa kamid ah siyaasad adag oo lagu soo gabagabeynayo shaqaaleysiinta carruurta.
Sannadkan 2019 waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “Carruurta waa in aysan ka shaqeyn goobaha, balse la noolaadaan riyooyin.”
Ku dhawaad 152 Milyan oo carruur ah ayaa shaqeysa caalamka oo dhan. Inkastoo shaqaaleysiinta carruurta lagu arki karo shaqo kasta haddana 7 kamid ah carruurta la shaqaaleysiiyo waxay qabtaan howlaha beeraha.
Maalinta caalamiga ah ee ka dhanka ah shaqaaleysiinta carruurta ayaa dib u eegaysa horumarka la sameeyay 100-kii sanno ee la soo dhaafay si loola dagaalamo aafada shaqaaleysiinta carruurta.
Tan iyo markii la aas’aasay ILO sannadkii 1919-kii, ilaalinta carruurta ayaa qeyb weyn ka ahayd dastuurka hay’adda.