Home / Macluumaad / 12 October- Maalinta calanka Soomaaliyeed

12 October- Maalinta calanka Soomaaliyeed

Himilo – Marka taariikhda dib loogu laabto, qiyaastii billowga qarnigii toddobaad ayaa loo celiyaa isticmaalka calanka, waxa uu ahaa astaan ciidan oo loo adeegsado goobaha ay dagaaladu ka jiraan, si loo kala aqoonsado labada kooxood ee loolamaya. Markii middi guulleysato ayey ka taagan jirtay caleenkeeda degaanka ay qabsatay.

Kaddib, markii uu soo ifbaxay dhaqdhaqaaq ku dhisnaa aragti qarannimo dabayaaqadii qarnigii ee 18aad, ayey bulshooyinkii bilaabeen in calanka ka dhigaan summad lagu garto bulshooyinkooda. Dalal badan oo reer yurub ayaa qarnigii xigay billaabay inay yeeshaan calamo lagu baadi sooco.

Waddamo kale oo u badnaa xornimo raadis ayaa billowgii iyo bartimihii qarnigii tagay ee labbaatan ku biiray dhaqdhaqaaqa helidda calan iyaga u gaar ah waxaa ka mid ahaa calamadii la sameeyay midkeenna buluugga khafiifka ah ee leh xiddigta shan geesoodka ah.

Inkastoo illaa iyo 1940-meeyadii ba uu ka mid ahaa calanka waxyaabaha la doonayay in lagu mideeyo Soomaali mida oo xor ah, haddana waxaa loo celiyaa billawga ololihii calan helidda 1950-kii, markaasi oo Talyaaniga loo gacan galiyay dhulkii Soomaalida si uu u gaarsiiyo xornimo ku timaada toban sano gudaheed, sida uu wareysi uu bixiyay ku sheegay Maxamed Cawaale Liibaan helaha calanka.

Dhawaaqii Qaramada Midoobay, ayaa keenay in Baarlamaankii markaasi jiray uu xisbiyadii ugu waynaa ururkii Leegada oo markaasi ahaa xisbi loo diro calamo, si looga helo mid oo la isku raaco. Ololahaasi markaasi socday waxa uu la kulmay caqaabaad badan oo badankeed ka imaanayay Talyaaniga oo markaasi doonayay inuu galangal xoogan ku yeesho calanka soomaalidu qaadan doonto.

Markii la gaaray kulankii loo madalsanaa ayaa xisbi weliba la tagay madasha calamo u badan kuwii iyaga gaarka u ahaa, waxaase  golihii barlamaanka ka xushay mid uu la yimid Maxamed Cawaale Liibaan, isaga oo la isku raacay kowdii Luulyo 1954-kii.

Sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay 1983-kii, rabbi ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, sameynta calanka uu la tagay fadhigaasi inaysan qofna ku lug lahayn horreyna aanan loo isticmaalin. Markii Maamulkii Talyaaniga loo geeyay ayey kala horyimaadeen diidmo ah in calanka uu u eg yahay mid horrey loo isticmaalay.

Waxaase xigay, safarkii Wasiirkii arrimaha dibadda Talyaaniga uu ku yimid Muqdisho 06-dii September 1954-kii markaasi oo uu tagay fadhigii golaha xildhibaanadiina u qeybiyay calankii la isku raacay ee buluugga khafiifka ah.

Bishii xigtay ee Oktobar 12-keedii isla sanadkaasina waxaa si rasmi ah loo qaatay calanka oo laga barbar suray midki Talyaaniga, waxaa rumowday mid ka mid ah rajadii ay muddada ku taamayeen ummadda Soomaaliyeed.

Heliddiisana waxey yididiilo u aheyd in xornimadana la gaari doono, Muddo afartan sano ah waxa uu ahaa kan kale ee dadku ku mideysan yihiin, balse nasiib darro markii ay burburtay dowladdii kacaanka waa uu qiimo beelay.

Waxaa laga feer abuuray calamo kale oo sameyntooda ay sii xoogeysteen markii la qaatay nimaadka federalism, kaasi oo lagu abuuray maamul goboleedyo midba calan gooniya sameystay.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Copy lama Ogola Fadlan