Home / Maalmaha Caalamiga / 13 Febraayo- Maalinta caalamiga ee raadiyaha

13 Febraayo- Maalinta caalamiga ee raadiyaha

Raadiyaha waa warbaahinta gaarta dadka ugu badan caalamka oo dhan. Waxaa kale oo loo arkaa warbaahin leh awood badan islamarkaana qiimaheeda uu jaban yahay.  

Waxaa si gaar ah loogu tala galay raadiyaha inuu gaaro bulshooyinka ku nool goobaha fog fog iyo kuwa nugul si uu wax u baro naafada, haweenka, dhallinyarada iyo dadka saboolka ah isaga oo u fidinaya madal u sahli karta inay ku lug yeeshaan doodaha guud.

Waxaa intaa dheer in raadiyaha uu kaalin ku leeyahay xiriirka xaaladaha deg degga ah iyo gargaarka la fidiyo markay jiraan musiibooyin.

Waxaa jira isbadalo badan oo ku socda raadiyaha, waxa uu wajahayaa caqabado sida kuwa digital-ka ah, sidaasi oo ay tahay raadiyaha waxa uu wali yahay warbaahinta sameysa isdhaxgalka ugu badan ee bulshada iyadoo fursad u siisay dadweynaha inay wada hadlaan.

Xilli warbaahinta bulshada leedahay saameyn tabban haddana raadiyaha waxaa loo arkaa mid kaalin wanaagsan ku leh isu soo dhaweynta bulshada iyo in la dhiira-geliyo wadahadalka wanaagsan ee horseedaya isbadal.
Marka la fiiriyo dhageystayaasha iyo baahidooda, raadiyaha waxa uu gudbiyaa aragtiyo iyo codad kala duwan si loo xaliyo caqabadaha taagan ee aan wajahno.

Maanta oo kale 13 Febraayo ayaa la xusaa maalinta raadiyaha adduunka, waa sannadkii 8aad ee la sameynayo xuska maalintan oo kale. waxaa looga dan leeyahay in lagu muujiyo ahmiyadda raadiyaha iyo sida uu isugu soo dhaweeyo bulshooyinka leh raadadka kala duwan.

Iyadoo laga duulayo xuska maalintan, waxaa sannadkan hal-ku-dheg loo qaatay ‘ Wadahadalka, isu dulqaadashada iyo nabadda’, waxaana la aaminsan yahay in barnaamijyadda raadiyaha dhisi karaan isu dulqaadashada bulshada iyadoo meesha laga saarayo tafaraaruqa jira lana dhiira geliyo wadahadal dhab ah.

Dabaal degga maalinta raadiyaha adduunka, waxay hay’ada UNESCO qabanaysaa dhacdo lagu maamuusayo maalintan iyadoo si toos ah looga sii deynayo labo raadiyo oo mid kamid ah yahay raadiyaha UNESCO.

Soomaaliya markay joogto, raadiyaha waa warbaahinta ugu badan ee dadweynaha ku xeran yihiin, waa la dhageystaa oo tiro badan oo macaamiil ah ayuu leeyahay.

Inkastoo kaalinta raadiyaha Soomaaliya ee nabadda , waxbarida iyo madadaalada tahay mid ammaanan haddana waxaa jira dhaliilo badan oo ku foolan raadiyaha oo qaarkood ah kuwa loo qaateen ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan