13 jir neef qabta oo 13 saacadood dabaalatay Badda u dhaxeysa Sri Landka iyo Hindiya!

Himilo – Jiya Rai; oo ah 13 jir la dhibban xanuunka neefta ayaa dabaal isaga kala gudubtay Badda u dhaxeysa Sri Lanka iyo Hindiya masaafo dhan 29km.

Waxaa ay Riya dabaal ka billowday Magaalada Talaimannar oo ka tirsan Sri Lanka waxaana ay gaartay magaalada  Dhanushkodi ee Gobolka Tamil Nadu ee Waddanka Hindiya Axaddii.

Badda ay gabadhan dhegaha sidoo kale jigeysa isaga gudubtay ayaa la sheegay in ay ku badanyihiin Mas- Badeedyada, Nibiriga, iyo noolaha kale ee halista ah ee ku nool badda, hayeeshee Jiya ayaa ku dhiirratay sida uu sheegay aabbaheed Madan Rai, oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Hindiya.

Billowgii February Jiya ayaa dabaalatay 36km markaas oo ay ku dabaalatay 8 saacadood iyo 40 daqiiqo,waxaana galbinayay ciidanka Badda Hindiya oo dusha kala socday xaaladdeeda.

Waxaa la guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa Hindiya ee dadka ka yar 18 sano taas oo lagu magacaabo Pradhan Mantri Rashtriya Bal Puraskar Award.

Rai, waxaa ay horay ugu guuleysatay 24 billadood oo Dahab ah, tartamada Dabaasha ee heer Gobol iyo heer Qaran ee Waddanka Hindiya.

error: Copy lama Ogola Fadlan