Home / Caafimaad / 13 June- Maalinta caalamiga ee xannuunka Albinism-ka

13 June- Maalinta caalamiga ee xannuunka Albinism-ka

Himilo – Dadka qaba xannuunka Albinism-ka ayaa wajaha nuucyo kala duwan oo faquuq ah caalamka oo dhan. Waxay wali u muuqataa in xannuunka Albinism-ka laga fahansan yahay khalad iyadoo bulsho ahaan iyo caafimaad ahaanba la faquuqo dadka la nool.

Tani waxay keentaa in dadka nuucaan ah la yaso islamarkaana laga saaro bulshada inteeda kale iyadoo si xun u saameysa niyadda dhibanayaasha.

18-kii bishii December ee sannadkii 2014, golaha loo dhan yahay ee QM ayaa qaraar ku ansixiyay maalinta caalamiga ah ee xannuunka Albinism-ka iyadoo la dhaqan geliyay 13 June 2015.

Waxaa intaa dheer in jawaab laga bixiyay baaqyo ka yimid urrurada rayidka oo ahaa in tixgelin gaar ah la siiyo dadka la nool xannuunka iyadoo loo arkayo dad qaba baahi gaar ah.

Waxaa mudnaan gaar ah la siinayaa ilaalinta xuquuqda dadkan oo si sahlan loogu tunto meelo badan oo dunida ah. Jirdil iyo falal kale ayay si joogta ah ula kulmaan.

Dalalka caalamka ayaa looga baahan yahay tallaabooyin adag oo lagu badbaadinayo nolosha dadka qaba xannuunka Albinism-ka oo ah in jirka qofka uu cadaado maadaama unugyada jirka midabeeyo ee loo yaqaano “milanin” aysan shaqaynaynin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan