Home / Macluumaad / 15 May – Maalinta Caalamiga ee Qoysaska.
Ismail Abdulhi is a pastoralist in Ta Kuti village (Niger State) and beneficiary of Nigeria's Fadama II project. (Photo: Arne Hoel)

15 May – Maalinta Caalamiga ee Qoysaska.

Muqdisho – Maalinta Caalamiga ah ee Qoyska waa xus sanadle ah oo 15 May sanad kasta dunida looga dabaal-dego. Maalintan waxaa ku dhawaaqday kal-fadhiga guud ee QM sanadkii 1993, waxaana  lagu iftiimiyaa muhiimadda bulshada caalamku siiso qoysaska. Munaasabadda maalinta Caalamiga ee Qoyskana waxaa kor loogu qaadaa wacyiga la xiriira qoysaska iyo in la kor yeelo aqoonta mujtamaca, dhaqaalaha iyo kororka taranta dadweynaha.

Sanadkii 1994 ayay QM si rasmi ah ugu dhawaaqday Maalintan si jawaab loogu helo wax ka badalka dhismaha bulshada iyo dhaqaalaha taas oo ilaa iyo maantaba saameynaysa hannaanka iyo xasilloonida xubnaha qoysaska ku kala nool dunida dacalladeeda. Tanina waa dhacdo taniyo sanadkii 1995 si joogto ah loogu dabaal-dego.

Astaanta ama sumadda Maalinta Caalamiga ee Qoyska waxay ka kooban tahay wareeg cagaaran oo dhexda ku leh sawir casaan ah. Sawirkuna wuxuu ka kooban yahay curiyaal lagu xardhay wadne iyo aqal. Tani waxay qeexaysaa in qoysasku ay yihiin bartamaha mujtamaca iyo udub-dhaxaadka taageerada u ah xubnaha qoyska ee da’ kasta isugu jira.

Dejinta hal-ku-dheg sanadeedka Maalintan wuxuu soo bilowday sanadkii 1996-kii. Waxaana loo qaatay: Qoysasku – waa dhibanaha koobaad ee faqriga iyo dib-jirta. Taniyo sanadkaasna, waxaa la qaadanayay hal-ku-dhegyo muujinaya sugnaanshaha qoysaska. Sanadkanna, waxaa hal-ku-dheg loo qatay: Qoysas, wax-barasho iyo hagaagsanaan.

Dhismaha qoysaska dunida ma wada ahan isku mid. Micnaha qoys laf ahaantiisa ayaan laheyn hal midaysan. Dalal badan oo dunida kamid ah, qiimaha dhismaha qoysku, shucuubta ku nooli ma siiyaan ahmiyaddii loo baahnaa. Taasi waxay keentay in yaraanta tirada qoysasku ay saameyn ku yeelato taranta dadyowgaas. Japan oo ah dal leh sumcad dhaqaale iyo awood ganacsi oo ballaaran ayaa, marka laga hadlo dhismaha qoysasku, wuxuu soo galayaa meelaha ugu hooseysa. Xubnaha kala kala tirsan qoysaska ayaa u kala go’ay kali-kalinimo. Qof  kastana waxaa hammi-galiyay naftiisa.

Caqabaddan kaliya maysan abuurin in taranta haweenka Japan ee dhinaca dhalmada ay hoos u dhacdo, ee waxay sidoo kale jid u furtay inay soo bataan dib-jir ka kooban da’ kasta. Cabsida ay arrintani la timid awgeed, waxaa jira dadaallo mar kasta jawaab looga dhigo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa muhiimadda qoyska – iyada oo dowladda dalkaasi isku dayayso inay u marto tijaabo kasta oo lagu hubsan karo.

Dalalka kale ee jidka Japan oo kale ku taagan waxaa kamid ah dunida Galbeedka ama reer Yurub oo dadaal ugu jira sidii ay bulshadooda dib ugu celin lahaayeen micnaha qoyska.

Waana Caalamka Islaamka oo kaliya meesha maanta uu ka jiro dhismaha qoysas tiir-dhaxaad adag ku dhagan. Tusaalayaasha muuqda oo dunida Muslimku ku hoggaamisay dhismaha qoysaskeeda, waxay ka dhigtay in Muslimiintu noqdaan kuwa ugu kobaca badan uguna da’yar adduunka.

Hayeeshe waa dhibaatooyinka aan marka horaba xalkeeda loo meel-dayin waxa xagal-daacinaya dhismaha qoysaska Muslimiinta ah. Furriinku wuxuu noqday caqabad kamid ah mushkiladaha soo daadejiya burburka qoysaska. Taasina waxay ku noqoneysaa asalkaba inaan labada lamaane ee isku dhaxaya la siinin faham guud oo la xiriira sida nolosha qoyska loo hagaajiyo.

Balse dhamaan wadamada Muslimiintu, mushkiladan uma waayin xal. Waxaa jira dalal isku dayay in dhibta soo rakaadmaysa oo halista ku ah dhismaha qoysaskooda ay xaliyaan. Malaysia waa tusaalaha koobaad.

Sanadihii 90-meeyadii, waxaa dhacday in heerka furriinka ee qoysaska dalkaasi uu gaaro meel sarreysa. Hayeeshe jawaabtii loo raadiyay ayaa noqotay mid in badan tiradaas hoos u dhigtay. Mid kamid ah waddooyinkaas waa koorsooyin loo qabto lamaanaha is guursanaya kahor intaysan aqal-gelin.

Inta lagu jiro koorsada, lamaanaha waxaa si fal-gelin leh loogu dhigaa casharro la xiriira nolosha wadajirnimada, mas’uuliyadda labada dhinac ka saaran aqalka, dhimrinta, abuurista kalsoonida iyo ilaalinteeda iyo wixii soo raaca. Markay taasi dhameystaan, waxaa mid kasta la siiyaa shahaado caddaynaysa inay aqal-geli karaan.

Haddii dunida Muslimka ay sida Malaysia, ugu yaraan, xal ugu raadiso dhismaha qoyska, waxaa hubaal ah inuu yaraan doono mushkiladaha qaar ee heysta qoysaska Muslimiinta ah ee dunida kale ku nool. Markaas ayaan, si mid ah, tusaaale qurxoon ugu noqon karnaa dunida kale ee aan Muslimka aheyn.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan