Home / Maalmaha Caalamiga / 15 September- Maalinta caalamiga ee Dimuqraadiyada

15 September- Maalinta caalamiga ee Dimuqraadiyada

Himilo- Maalinta caalamiga ee dimuqraadiyada waa fursad lagu muujiyo in dimuqraadiyada tahay dadka oo wada leh xuquuq simman oo ku saleysan ka qeybgal loo dhan yahay.

Waxaa lagu tiriyaa dimuqraadiyada tiir adag oo nabadeed oo kamid ah xuquuqda aadanaha islamarkaana lagu gaari karo horumar waara.

Baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa dhiira gelinaya nidaam ku dhisan dastuur oo aqblaya mabaadi’da dimuqraadiyada iyadoo uu abuurayo deegaan lagu ilaaliyo xuquuqda asalka ah ee dadka.

Dimuqraadiyada dhabta ah waa midda lagu dhiso wadahadal joogta ah oo dhaxmara bulshada rayidka iyo dabaqada maamulka. Waxaa muhiim ah in wadahadalka uu saameyn ku yeesho go’aanada siyaasadda.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa wajaha culeysyo, kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa la weeraraa halka saxafiyiinta lagu fara geliyo shaqadooda gaarka ah sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Yoolalka QM ee waara oo la hiigsanayo sannadka 2030-ka ayaa ilaalinaya dimuqraadiyada iyaga oo xiriir u sameynaya bulshooyinka nabadda ku nool iyo maamulada lala xisaabtamo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan