Himilo – Maalinta Caalamiga ee isu dulqaadashada waxay ku dhalatay soo-jeedin ay sameysay hey’adda UNESCO sanadkii 1995-kii si loo karaariyo wacyiga dadweynaha ee la xiriira halista ku jirta dulqaad la’aanta.
Waxaa loo dabaal-degaa 16 November sannad kasta si loo baraarujiyo cuquusha wali la nool thaqaafada aarsiga iyo dulqaad la’aanta.
Tiirarka ugu weyn ee qofka u horseeda liibaan waarta iyo danbi dhaaf uu ka kasbado xagga Alle, waxaa kamid ah sabirka. Qof kasta wuxuu la miisaan yahay heerka uu ku eg yahay dulqaadkiisu. Si kooban marka loo yiraahdana, sabirku waa tallaabta kala reebta guulaha ay gaaraan dadka. Haddaanu jirin sabir la isku imtixaano, lama maqleen guuleystayaal iyo guul-darreystayaal.
Sida la yiri; dhib gadaashiis bay dheefi taallaa, waxaa lama huraan ah inaad dul-qaad u yeelato caqabadaha nolosha kaasoo waajaha kuwaa oo kaaga imaanaya waxa aad qabanayso iyo dadka aad wax la qeybsaneyso adiga oo aan lumineyn dareenka qalbi ahaaneed ee kugu abuuran.
Waxaa jirta hadal xikmadaysan oo laga qabtay Thoman Edison oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee abuura ileyska laambada ama nalka. Wuxuu yiri; guul-darrooyinku inta badan waxay yimaadaan marka dadku aysan fahmin sida ay guushu ugu dhow dahay kahor intaysan is dhiibin.
Hadalkiisa waxaa daba socda sheeko cajiib leh oo ka dhigtay inuu noqdo qofkii ugu horreeyey ee laambad iftiimiya. Waxaa la tilmaamaa inuu 999 jeer uu isku dayay kahor intuusan ku shidin mar kunaadkii. Haddii uusan yeelan laheyn dul-qaad iyo sabir, kuma guuleysteen inuu iftiin ka dhaliyo laambadda. Dadaalkiisa awgeed, maanta waxaa laga mahdiyaa sabirkii iyo dhabar-adeygii uu ku xaqiijiyay duni iftiimaysa.
Inaad sabirto waa inaad naftaada geliso xabsi ka dhan ah doonisteeda. Sidaas darteed, qof kasta majecleyso inuu naftiisa xabsi u geliso doonisteeda. Inteenna badan waxaa naga tan badiya nafteenna iyo sheydaanka.
Mayeelano sabir iyo dulqaad qoto dheer oo dadka nala dhaqmaya aan u hibeyno. Taasi waxay qeyb ka noqotay mushkiladaha ku horgudban isku xirnaanta iyo wada dhaqanka suuban ee bulshada.
Diinteennu aad bay u bogaadisay dadka sabra. Suubanaha NNKH wuxuu yiri; Muslimiinta waxaa ugu kheyr badan kan dhibtiisa kala hara; toodana ku sabra. Waxaa kale oo uu yiri; qofka waxaa u wanaagsan inuu sabirka la saaxiibo.
Sooyaalka Soomaaliyeed waxaa ku sugan sheeko iyo murti badan oo laga tilmaamay sabirka ama dulqaadka. Waxayna mar kasta aheyd hal-beegga lagu qiyaaso qof kasta oo bulshadii waagaas kamid ahaa.