Home / Macluumaad / 17 October – Maalinta Caalamiga ee Cirib-tirka Faqriga.

17 October – Maalinta Caalamiga ee Cirib-tirka Faqriga.

Muqdisho – Maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Faqriga waa munaasabad caalami ah oo sanad kasta 17 October loo dabaal-dego. QM ayaa si rasmi ah u aqoonsatay, hayeeshe abaabulkeeda wuxuu markii ugu horreysay ka hir-galay magaalada Paris ee dalka Faransiiska halkaas oo ku dhawaad 100,000 oo qof ay isugu yimaadeen daarta xarunta Human Rights si ay u sharfaan dhibanayaasha saboolnimada, gaajada, qalalaasaha iyo baqdinta sanadkii 1987-kii.

Joseph Wresinski ayaa ahaa helaha Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ee ATD Fourth World.

Meel kasta oo lab iyo dhedig lagu canbaaraynayo inay ku nool yihiin faqri liita iyo xuquuqda aadanaha oo la carqaladeeyo, waa inaan isaga nimaadnaa hubinta in tix-gelin dhab ah loo samaynayo mas’uuliyadda naga saaran ayuu Joseph ka yiri mid kamid ah kal-fadhiyadii ay isugu yimaadeen.

Si kastaba, sanadkan waa sanad-guuradii 25aad ee baaqa Kal-fadhiga Guud ee QM ay ku aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Faqriga 22 bishii December sanadkii 1992.

Sidoo kale, sanadkan waa sanad-guuradii 30aad ee baaqa Joseph Wresinski taas oo dhiirri-gelisay munaasabadda 17 October inay tahay Maalinta laga adkaan karo Faqriga.

Ku dhawaad hal bilyan oo carruur ah ayaa maanta ku nool faqriga. Marka loo eego hey’adda UNICEF, 22,000 oo carruur ah ayaa maalin kasta u dhinta faqriga.

805 milyan oo qof oo dunida saaran ayaan heysan cunno ku filan oo ay cunaan. Keydadka cuntadu waa u muhiim si loogu celiyo gesiin ay dhuuni ka dhigtaan.

In ka badan 750 malyuun ayaan heysan biyo nadiif ah oo ay cabaan. Shuban-biyood iyo cudurro la halmaala oo biya yaraantu sababtay awgeed, nadaafad-darri iyo hufnaan la’aan ayaa sanad kasta waxaa u dhinta tiro lagu qiyaasay 842,000 – ama 2,300 oo qof maalin walba.

Sanadkii 2011, 165 milyan oo carruur ah oo da’da 5 jir ka hooseysa ayaa gabay korriimada sababo la xiriira macluul baahsan oo halakeysay.

Cudurrada laga hortagi karo sida Shuban-biyoodka iyo koolba aaryada waxay sanad kasta dilaan 2 milyan oo carruur ah kuwaas oo aad ugu dhiban helidda daweyntii haboonayd.

Qiyaasaha la sameeyey sanadkii 2013-ka, 21.8 milyan oo carruur ah oo da’da sanad jirka ka hooseysa ayaan helin dhibcaha tallaalka cudurrada uu kamid yahay teetanada.

Rubuc kamid ah bulshooyinka caalamka oo u dhiganta 1.6 bilyan oo dad ah waxay ku nool yihiin mugdi aan lahayn koronto la ifsado. Boqolkiiba 80% kamid ah dadweynaha caalamku waxay ku nool yihiin wax ka yar 10$ maalintiiba.

Hey’adda Oxfam waxay qiyaastay inay qaadanayso $60 bilyan ssanad gudihiis in laga adkaado ama la ciribtiro saboolnimada caalamka. Adduun lacageedkani wuxuu rubuc ka yahay dakhliga soo gala 100 qof ee dunida ugu hodansan.

Hey’adda cuntada adduunka ee WFP waxay sheegtay in sabool badan gaajada ay ku jiraan dhaxalsiisay saboolnimada. Gaajadu waa sababta koobaad ee dhimashada caalamka taas oo dilaysa in ka badan isku darka wadarta u dhimanaysa cudurrada HIV/AIDS, Duumada iyo Qaaxada.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan