Himilo- Maalinta Caalamiga ee Afka Carabiga waxaa loo dabaal-degaa 18 bisha December sannad kasta. Waxaana dhidibada u taagtay hey’adda UNESCO sannadkii 2010 si loogu dabaal-dego kala duwanaanshaha dhaqamada iyo in si simman loo adeegsado lixda luqadood ee rasmiga u ah hey’adda.
18 Dec waxaa loo doortay Maalinta Afka Carabiga maadaama ay tahay markii Kal-fadhiga Guud uu ku ansixiyay luqadda Carabiga inay kamid tahay afafka rasmiga looga hadlo QM sanadkii 1973-kii.
Maalmaha ay Maalintan bah-wadaagta la tahay waxay kala yihiin: Maalinta Afka Ingiriiska, Maalinta Afka Faransiiska, Maalinta Afka Isbaanishka, Maalinta Afka Ruushka iyo Maalinta Afka Shiineeska. Waana mid kamid ah luqadaha ugu faca weyn dunida.
Afka Carabiga wuxuu luqadda rasmiga ah ama midda labaad u yahay dalal gaaraya 22 waddan. Waxaana u badan Jaamacadda Carabta. Tiro lagu sheegay 300 oo milyan oo qof ayaa ku hadla afka Carabiga taas oo ka badan isu-geynta tirada dadka ku nool dalalka Faransiiska, England, Spain iyo Jarmalka. Si kale marka loo dhigo, ku dhawaad 200 oo milyan ayuu u yahay afka rasmiga ah. Halka 100 milyan oo kale uu u yahay afka labaad ee rasmiga u ah.
Hayeeshe, ku dhawaad 2 bilyan oo Muslimiin ah ayuu u yahay udub-dhaxaad maalinle ah oo ay u adeegsadaan inay khaaliqii uumay ugu dhawaadaan. Mana ahan mid kale waa salaadda iyo Qur’an aqriska. Marka laga soo tago in afka Carabiga lagu sheego luqadda lixaad ee dunida ee aadka looga adeegsado, xaqiiqda muuqata waa in afkani uu yahay mid ugu badan ee maalinle loogu hadlo.
Lamid malahan luqadaha qaar, Afka Carabiga waxaa laga soo aqriyaa middig ilaa biddix. Waxay kugu qaadanaysaa sannad iyo bar ka badan inaad ku barato afka Carabiga taas oo ka dhigan inuu yahay mid kamid ah afafka ugu adag ee dunida laga barto.