Home / Arrimaha Bulshada / 18-jir noqotay markii seddexaad da’yarta ugu timaha dheer caalamka

18-jir noqotay markii seddexaad da’yarta ugu timaha dheer caalamka

Himilo – Maalmo ka hor xafladdeeda dhalashada 18-aad, koox ka socotay buugga Guinness oo cabirtay tinteeda ayaa sheegay in dhirirkeedu gaarayo 6 fiit, 6.7 inji.

Waa Nilanshi Patel, oo India u dhalay oo markii seddexaad dhigtay rikoor cusub. Bishii November 2018-kii ayey markii ugu horreysay kasoo muuqatay mareegta Guinness, markaas oo ay noqotay da’yarta ugu tinta dheer caalamka.

Xilligaas waxaa dhirirka tinteedu gaaraysay 5 fiit iyo 7-Inji, taas oo ka dhigan in wax ku dhaw 1-fiit amaba 30-centi mitir ay ku korortay laba sanno gudahood.

“Waxaan jaray tinteeyda, xaqiiqdii taasi waxey ahayd mid xun, sidaasi daraateed waxaan go’aansaday inaan marnaba jarin timaheyga, markaasi waxaan ahaa lix jir wixii ka danbeeyayna maba jarin” ayey Patel u sheegtay mareegta Guinness.

Marka ay dooneyso inay nadiifiso amaba ay shanleyso/Dabto waxey ka qaatadaa waqti badan, mana qabato shaqadaasi illaa ay ka hesho ruux caawiya.

Nilanshi Patel, wali ma aysan go’aansan inay sii kobciso tinteeda, bal si ay uga mid noqoto haweenka da’ dhexaadka ah ee ugu timaha dheer dunida qarnigan 21aad.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan