Home / Macluumaad / 18 July – Maalinta Caalamiga ee Nelson Mandela.

18 July – Maalinta Caalamiga ee Nelson Mandela.

Muqdisho – Sanad kasta 18 July – oo ah markii uu dhashay Nelson Rolihlahla Mandela – ayaa QM waxay shaqsiyaadka adduun-weynaha weydiisataa inay taariikhdan u aqoonsadaan Maalintii Mandela iyaga oo is-baddal ka sameynaya bulshooyinkooda.

Qof kasta wuxuu leeyahay kartida iyo mas’uuliyadda uu dunida kaga dhigi karo mid ka fiican sida uu ugu yimid. Maalinta Mandelana waa dhanbaal qof kasta ku socda oo loogu sheegayo inuu tallaab qaado kuna fikiro is-baddal, sidaas waxaa lagu qoray mareegta QM.

67 sano ayuu Nelson Mandela ku bixiyay noloshiisa ugu adeegista Aadanaha sida qareen u dooda xuquuqda insaanka, nabadoone caalami ah iyo madax-weynihii ugu horreeyey ee si dimuqraadi ah loogu doorto madaxtinimada Koofur Afrika oo xor ah.

Ururka Nelson Mandela Foundation wuxuu sanadkan ku halgamayaa inuu qaado tallaab ka dhan ah faqriga – si loo sharfo hoggaanimadii Mandela ee la dagaalanka saboolnimada iyo suura-galinta cadaalad bulsho oo loo siman yahay.

Bishii November sanadkii 2009, Kal-fadhiga Guud ee QM ayaa 18 July u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ee Nelson Mandela si la iskugu baraarujiyo doorkii nabadeed iyo xurriyadeed ee laga bartay.

Mandela wuxuu ahaa madaxweynihii Koofur Afrika intii u dhaxaysay 1994-1999. Waana madowgii ugu horreeyey si dimuqraadi ah loogu doorto madaxtinimada South Afrika.  Dowladdiisu waxay diiradda saartay burburinta xukuumaddii ku dhisnayd falsafaddii midab-takoorka oo si sandulle lagu dhaqan-geliyay.

Markii uu waxbarashada ku jiray, wuxuu bartay sharciga isaga oo noqday madowgiii ugu horreeyey ee qareen Koofur Afrikaan ah. Sanadkii 1950 waxaa loo doortay garabka dhalinyarada ee Ururka ANC oo u dhaqdhaqaaqayay xurriyadda.

Markii dowladdii wagaas ay cunsuriyad ku mamnuucday xisbiga ANC, Mandela wuxuu abaabulay dhaqdhaqaaq dahsoon oo military ah. Wuxuu markaas kahor isku dayay inuu dibadbax nabadeed ku muujiyo ahdaaftiisa, balse markii uu dowladda kala kulmay handadaad iyo rabshad, wuxuu taageeray dhaqdhaqaaqa hubaysan.

Mandela waxaa la xabisay intii u dhaxaysay sanadihii 1962-1990 isaga oo lagu eedeeyey amardiido iyo qalqal uu geliyay jiritaanka dowladda. Waxaana lagu xukumay xabsi inuu ku dhamaysto cimrigiisa, hayeeshe waa lasii daayay markii Xisbiga ANC uu noqday mid rasmi looga aqoonsaday dalka.

Goortii uu xabsiga ku jiray, Mandela wuxuu ahaa astaan u taagan loolanka loogu jiro iska ridista heeryada gumeysi ee ka dhanka ah madowga Koofur Afrika. Mandela waxaa loo tix-geliyaa Aabaha Koofur Afrikada Casriga ah. Wuxuu noqday udub u taagan ka dhiidhinta xukuumaddii midab-takoorka iyo dhaqan-gelinta nidaam ku salaysan dimuqraadiyad.

Mandela waxaa abaal-marinta nabadeed ee Nobel Peace Prize sanadkii 1993 lagu siiyay sida nabadda ku dhisan oo uu kaga adkaaday nidaamkii midab-takoorka. Waxaa intaas ka baxsan inuu helay in ka badan 250 abaal-marinno kale duwan ah oo lagu guddoonsiiyay halgankiisa adkaa.

Markii uu xilka iyo siyaasadda ka fariistay, Mandela wuxuu dhisay urur uu isugu magac-daray kaas oo la dirira faafista xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS. Wuxuuna taageeray mashruuca horumarinta miyiga iyo dhismaha iskuullada.

Mid kamid ah oraahyadiisa caanka noqday ayuu ku yiri; “Way fududahay in wax la burburiyo, geesiyadu waa kuwa nabadda tiir u ah.”

In kasta oo Mandela uu qaaday halgan waqtigii loo baahnaa kusoo beegmay kaas oo sidoo kale soo hooyay guulo laga taaban karo dhinacyada cadaaladda, xurriyadda iyo dimuqraadiyadda, hadana wali Afrikadu sidii la rabay wax ugama baran casharradaas. Waxaa muuqataa in saddexdani yihiin baahida ka maqan nidaamyada wali ka taliya qaaradda.

Cadaalad-darridu ama sinnaan la’aantu waxay noqotay aasaaska dhibta ka taagan dalal badan oo Afrika ah. Waxaa jirta isku dheelli-tir la’aan ka dhex taagan hannaanka loogu adeego muwaadiniinta ku wada nool hal dal. Sababteeda ugu weynna waxaa leh musuqmaasuq loogu maaro waayay u kala garsooridda si cadaalad leh bulshooyinka wada nool.

Ka Soomaali ahaan, waxaan ka baran karnaa maalintan sida loo qiimeeyo kala duwanaanshaha looguna garsooro si cadaaladaysan iyo in la qadariyo tira yarta looga badan yahay meelaha qaar. Waxaa kale oo intaas kasii mudan oo aan ka baran karnaa taariikhda Mandela in guusha ugu weyn lagu hanto waddada nabadda iyo in aargudashadu tahay inaad cafiso cadawga dhibaatada kuu geysta. Waayo wuxuu cafiyay xukuumad jiritaanka dadkiisa madowga ah aan u helin tix-gelin saafi ah iyo xurmo si loogu noolaado nabad iyo barwaaqo.

Haddii go’aan ka duwan midkii maalinkaas uu ka qaadan lahaa caddaankii gumeysan jiray, waxaa la isku raacsan yahay in Koofur Afrika aysan noqoteen dal ka tilmaaman dunida saddexaad iyo caalamka.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan