Home / Arrimaha Bulshada / 18 sanno kahor ayuu u iibiyay hadiyad laakiin sanadkan ayay ka guddoontay!

18 sanno kahor ayuu u iibiyay hadiyad laakiin sanadkan ayay ka guddoontay!

Himilo FM – Haweenay u dhalatay Falasdiin ayaa guddoontay hadiyad uu saygeeda u iibiyay muddo 18 sanno kahor balse aysan u suura gelin inuu siiyo kaddib markii ay xereen booliiska Yahuuda sanadkii 2000.

Camaad Alsafdaawi ayaa xaaskiisa u soo iibiyay hadiyad taleefan nuuciisu yahay Nokia 8210 sanadkii 2000 laakiin kahor inta uusan guddoonsiin ayaa waxa uu gacanta u galay ciidanka Yahuuda oo xabsi dhigay.

Muddo 18 sanno ah ayuu xabsi ku jiray Camaad oo waliba ilaaliyay hadiyadii uu xaaskiisa u qorsheeyay sida warbaahinta Falasdiin laga so xigtay.

Gabar uu dhalay Camaad ayaa sawirrada taleefanka Nokia 8210 waxay soo dhigtay boggaga bulshadda iyadoo xaqiijisay in hooyadeed ka guddoontay Aabaheed hadiyada kaddib markii xabsiga laga soo daayay.

“Taleefanka Nokia oo ah mid hore, Aabe ayaa u soo iibiyay hooyo si uu ugu hadiyeeyo laakiin waa la xeray, hadda hooyo way guddoontay hadiyada iyadoo uu Aabe xur yahay,” ayay tiri Liin.

Sheekada arrintan waxaa si weyn wax uga qoray si guud warbaahinta carabta si gaar ah tan Falasdiin oo boggaadisay jaceylka maxbuuskaasi iyo safarkiisa xabsiga oo yeeshay tilmaam xusuus leh.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan