Home / Caafimaad / 19 November – Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha

19 November – Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha

Himilo- Taniyo sanadkii 2013-ka, QM ayaa 19-ka November sanad kasta u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha si loo asteeyo baraaruga caalamiga ah ee la xiriira muhiimadda helitaan ee musqulo iyo doorkooda la xiriira nadaafadda iyo caafimaadka adduun-weynaha.

Wadajir waxaan ku sameyn karnaa musqulo iyo nadaafad guud oo qof kasta uu heli karo. Waxaanse u baahannahay inaan ogaano dhibaatada maanta oo kale la is xusuusiyo. Taas waa dhanbaal lagu qoray barta mu’assasada Global Giving Foundation.

Qeyb kamid ah hiigsiga 2030-ka ee ahdaafta horumarinta joogtada ah, QM ayaa quudarreynaysa hubsashada helitaanka biyo iyo nadaafad sarreysa ifka oo dhan. Dunida qaar, dadku waxay sitaan moobilo ay ku hadlaan in ka badan inta ay heli karaan musqulo ay isticmaalaan siiba dalka Hindiya.

Hufnaan la’aanta iyo uskagu waxay sare u dhigaan halista macluusha iyo cudurrada gaar ahaan carruurta iyo haweenka.

Cudurka Shuban-biyoodku waa sababta labaad ee dhimashada carruurta ka yar da’da shan sanno jirka, waxaana gebi ahaantiis looga hortagi karaa helitaanka biyo nadiif ah iyo musqulo hagaagsan.

3 sanno oo kamid ah cimriga noloshaada waxaa ku bixisaa booqashada Musqulaha. Gacmaha oo la iska dhaqo, waxay badbaadin kartaa nolosha dhallaan gaaraya 3.5 milyan sanad walba.

Dalka Hindiya wuxuu kamid yahay dalalka maanta oo kale loo dabaal-degayo Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha uu aad u quseeyo. Taniyo muddaba, adeegsiga musqulo hagaagsan ma ahayn dhaqan dalka oo dhan laga hir-galiyay. Si arrntaas loogu baraarugsanaado ayuu Mahatma Gandhi yiri; “Nadaafaddu aadbay uga muhiimsan tahay xurriyadda.”

Tani waxay keentay mushkilado wejiyo kala duwan leh oo bulshada kala kulanto. Maadaama ay tahay wax iska caadi in bannaannada lagu saxaroodo, bacteriyada kala dhalata waxay dhalisaa cudurrada ka dilaaca hawada, biyaha iyo wixii lamidka ah.

Haweenku waa kuwa ugu nugul qeyb ahaan. Waxay meel fog u aadaan inay ku soo saxaroodaan. Tani waxay u nugleysaa kufsi lagula kaco ama gaboodfallo kale oo loo geysto.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan