Himilo – Xanuunka Autism-ka oo aan loo heyn eray bixin Soomaaliyeed ayaa inta badan ku dhaca carruurta, waxa uu ku keenaa dib-u-dhac xagga korriimada, fahamka, hadalka, dhaq-dhaqaaqa iyo la falgalka bay’adda ku hareereysan.
Autism-ka waxa uu sababi karaa garaad gaabni, tiraab la’aan iyo caafimaad darro. waxa uu leeyahay astaamo faro badan oo lagu arko dh2-da April- Maalinta caalamiga ee xanuunka Autism-kaallaanka inta uusan si toos ah u soo muuqan. Waa xaalad ee ma aha cudur loo baqdo. Waxa uu jiri karaa tan iyo marka dhalashada, inkastoo calaamaduhu soo muuqan karaan uun goor dambe.
Da’da inta badan uu kaga soo muuqdo waxaa lagu sheegaa inta u dhaxeesa sannad illaa iyo seddex sanno mararka qaarna astaamaha xanuunkan lagu oggaan karo waxaa kamid ah ubadka oo dhasha isagoo ka duwan ilmaha caadiga ah dhinacyada hurdada, naas nuugista iyo dareenka lafalgalka hooyada ama qofka markaa haya.
Qof kasta oo Autism-ka qaba waa nooc gaar ah. Dad badan oo qaba Autism waxay si aan caadi ahayn awood ugu leeyihiin xirfad arag, muusig ama waxbarasho. Illaa 40% ayaa garaadka caadiga leh ama kan dadka mid ka sareeya leh. Kuwa kale ee Autism-ka qaba, si ka duwan waxa jira kuwa kale oo uu hooseeyo fahamkooda maskaxeed.
Halista xanuunkan wuxuu khatar ku hayaa caruuur badan oo caalamka ku nool sidaa darteed, waxaa loo asteeyey maalin gaar ah oo ku beegan 2-da April sanadkasta, waxaa loogu magac daray maalinta caalamiga ah ee wacyi galinta xanuunka Autisam-ka oo si kale loo dhihi karo xanuunka Kalinnimada.
Maalintan ayaa la asteeyay sannadkii 2008-dii si loogu dhiiragaliyo dowladaha xubnaha ka ah QM inay qaadaan tallaabooyin ku saabsan baraarugga Autisam-ka si bulshooyinka kaalin uga qaataan siinta daryeel dhameystiran dadka la nool. Sannadkan waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “ ku caawinta tiknooloojiyadda dadka qaba xanuunkaan.”
Somaaliya waxay kamid tahay meelaha uu ka jiro xanuunkan haddana aysan helin daryeel caafimaad dhibanayaasha xanuunkan.