Himilo– lix iyo tobankii sanno ee tagay waxaa la dilay in ka badan 2,000 weriye, celcelis ahaan waxay u dhigantaa in afartii maalinba dili dhaco. Keliya sannadkii hore waxaa la dilay 94 saxafi 11 ka mid ah waxaa saldhig u ahaa Africa sida laga xigtay hay’adda saxafiyiinta caalamka. Marka la cuskado tiro-koobka hay’adda weriyaasha aan xuduuda laheyn sannadkan ilaa hadda waxaa gacan aadanae u godgalay in ka badan 30 weriye.
Wariyaasha ugu badan waxay sanadkan ku geeriyoodeen bariga dhexe gaar ahaan Falastiin oo duqeymo aan kala joogsi laheyn ay Yahuudu ka geysaneyso.
Dhammaan sababta qudh goybtooda waxay u noqoneysaa u soo tebintoodii bulshada dhacdooyinka dahsoon noloshada iyo daga-galka xogaha laga qariyo dadweynaha. Dilka waxaa u dheer caga-jugleyn joogta ah, iyo xorriyad ka qaadid.
Ujeedka loo socdo waa in la aamusiyo. Tani waxay suxufiyiinta qaar u horseeday niyad iyo inay shaqada joogiyaan. Balse waxaa jira weriyaal nafta u hura u adeegista iyo xogsiinta muwaadiniintooda. Arrinta lahanka leh waxay tahay dembiileyaasha badankooda ma mutaan ciqaabta falkooda wuxuushnimo.
Khilaafta, burburka sharciga iyo garsoonka waa mushkilado jira maanta waxay kor u qaadeen dilka. UNESCO waxay ka welwelsan natiijada ka dhalatay oo ah ku xadgudubka dadka, dhicida dembiyada iyo xidideysiga musuqa. Waxaa lagu talinayaa inuu qof kasta dhiniciisa ka daadihiyo dedaalka caalaniga ee lagu dhammeynayo isla xisaabtan la’aanta.
Si loo helo muruq iyo maan u mideysan dedaalka cirib-tirka isla xisaabtan la’aanta waxaa suuragashay in kulankii 68aad ee Golaha loo dhan yahay ee qaranada midoobay lagu garwaaqsaday muhiimadda in la sameeyo maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta. Isku raacida maalintan waxaa looga gu tiriyaa dilkii labo weriye oo 2 November 2013 lagu shirdoolay waddanka Mali.
Dawladaha waxaa la faray inay u istaagaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dhammaan inta ku lug dilalka sidoo kalana la abuuro degaan ammaan ah oo weriyaashu ku nabad galaan.
Goluhu wuxuu canbaareeyay dhamaan weerarada iyo xadgudubyada loo geystay saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta. Marka maalinta laga faaloonayo hadalada laysku booriyo waxaa sees u ah hubinta isla xisaabtanka iyo in sidoo kale dhibbaneyaashu awood u yeeshaan helidda dabiib wanaagsan.Hal-ku-dhegyada sannadkan la qaaday waxaa ka mid ah ‘runta marna ma dhimato’ iyo ‘ ilaalinta runta’