Himilo-Golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa 22 December sannadkii 2003,dii meelmariyay in sannad kasta 20-ka bisha December oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego maalinta caalamiga ee wadajirka aadanaha.
Maalintan ayaa looga gon lee yahay sidii bulshada loogu bararujin lahaa ahmiyadda ay leedahay wada jirka si loo xoojiyo midnimada bulshada islamarkana ay kaalin uga qaatan is caawinta, horumarinta iyo deegaanka, nabadda.
Sidoo kale ujeedka maalintan ayaa ah in la ciribtiro faqriga oo kor loo qaado horumarka aadanaha iyo bulshada ee waddamada soo koraya, gaar ahaan qaybaha ugu liita ee dadkooda.
Maalintan ayaa kor loogu qaada wacyiga bulshada ee muhiimadda wadajirka si loogu dhiirigelinayo siyaabaha kor loogu qaadayo midnimada si loo gaaro Yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah oo ay ku jiraan ciribtirka faqriga.