Home / Arrimaha Bulshada / 20 Febraayo- Maalinta caalamiga ee cadaaladda bulshada

20 Febraayo- Maalinta caalamiga ee cadaaladda bulshada

Himilo – Cadaaladda bulshada waa mabda’ tiir u ah wada noolaanshaha nabadeed iyo barwaaqo ee dalalka. Waxay imaan kartaa nuuca cadalaadan marka loo istaago sinnaanta dadka, xuquuqda dadka asalka ah iyo qaxootiga.

Waxaa kale oo la tiigsan karaa cadaaladda bulshadda marka meesha laga saaro caqabadaha dadka wajahaan sababo la xiriira jinsigooda, da’dooda, midabkooda, diintooda iyo dhaqankooda.

QM waxay ku faantaa inay tahay tiir u taagan cadaaladda bulshada iyada oo hay’adeeda shaqooyinka ee ILO u asteysay maalintan si loo dhiira geliyo cadaaladda bulshada oo ah tiir ka maqan bulshooyin badan oo caalamka ku nool.

Waxaa looga dan leeyahay maalintan in diiradda lagu saaro xaqiijinta natiijooyinka shaqaaleysiin loo dhan yahay, ilaalin bulsho, wadahadal bulsho iyo dhowrida mabaadi’da iyo xuquuqda goobaha shaqada.

Sannadkan, maalinta caalamiga ah ee cadaaladda bulshada waxaa hal-ku-dheg loo qaatay “ In meesha laga saaro marnaanshiyaha xagga sinnaanta si loo helo cadaalad bulsho.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan