Muqdisho – Tilmaanta la siiyo wax kasta oo dubaaqa qofka ku beera astaamaha reynreynta – muuq iyo macnawiba – ayaa la yiraahdaa Farxad. Waana hubka mar waliba loo baahan yahay si loola diriro murugada. Farxad mar kale waxaa lagu tilmaamaa helidda wixii aad rabtay.
Si kastaba, sanaihii danbe waxaa maalmaha caalamiga ee la xuso maanta oo kale loo asteeyey maalinta caalamiga ah ee Farxadda – dadaal lagu doonayo in lagu dhiirri-geliyo farxadda taas oo la isla gartay inay tahay xaq kamid ah xuquuqda aas’aasiga ah ee Aadanaha.
Sanadkii 2013-ka ayay ahayd markii ugu horreysay ee lagu xuso Maalinta Caalamiga ah ee Farxadda gudaha shir ay kawada qeyb-galeen wiilkii uu awoowga u ahaa Nelson Mandela, Ndaba Mandela iyo gabadha uu dhalay madaxweynihi Maraykanka ee Bill Clinton oo ka dhacay magaalada New York.
QM ayaa sidoo kale qabatay xaflado iyo munaasabado lagu maamuusayo Maalinta Caalamiga ah ee Farxadda.
Sanadkii 2015-ka, munaasabad kale oo lagu xusay maalinta farxadda caalamka ayay QM ugu baaqday bulshooyinka inay ku midoobaan muuqaal farxadeed ay kaliya ku dheehan tahay muusig astaan u ah reynreynta.
Taariikhda iyo sababta ay ku timid xuska maalintan waxaa dib loogu celiyaa geyfane Jayme Illien oo QM wakiil uga noqday jagada dhaqaalyahanka nabadda iyo ammaanka marna la taliye kaas oo hordhigay golaha qaraar uu ku sheegayo in farxaddu kamid tahay xaqa aas’aasiga ah ee bani’aadanka. Taas oo ugu danbeyn ansax noqotay in maanta oo kale la xuso.
Markii aynu dib ugu laabanno dinteenna, maadaama Islaamku uu yahay hab nololeed maalinle ah, farxaddu waa qeyb kamid ah. 1,400 sano kahor, Muslimiinta waxaa lagu boorriyay inay isku dhoolla-caddeeyaan; isku muujiyaan farxad. Si taas u jirto had iyo jeerna, waxaa la faray in labada qof ee Muslimka ah aysan ku kala maqnaanin caro iyo xanaaq saddax maalmood wax ka badan.
Dunida kale, waxay aheyd qarniyadii danbe markii lasoo ogaaday faa’iidada ku jirta farxadda iyo dhoolla-caddaynta. In kasta oo wali meelaha qaar ee ka baxsan dunida Muslimka ay ka jiraan kiisaska is-dilka iyo wixii soo raaca, hadana dadaallada ku baxa in dadka laga caawiyo sidii reynreyn qalbi ah iyo farxad macnawi ah ay u hanan lahaayeen waa kuwa mar kastaba taagan. Waana waliba sida la dhihi karo, sababta maalintan oo kale ay QM ugu asteysay maalinta caalamiga ah ee farxadda.
Faa’iidooyinka ku jira farxadda kaliya lagu hanan maayo dabacsanaan iyo xasillooni ee waxay sidoo kale kugu kaalmeyneysaa inaad kusoo jiidato bulshooyinka kula nool. Waxaad ku abuuran kartaa saaxiibo badan; ku sameysan kartaa xiriiro kaa fog; kuna hanan kartaa qalbiyada kaa sii jeeda.
Waloow marmar la tilmaamo in farxadda ku dheehan wajiga qofka ay noqon karto dareen maaldahan oo aan ka turjumeyn waxa ku laba-gaddoomaya dubaaqa qofka, hadana inaad caradaada ka qarsato dadka kula nool wali waa mid diinteennu aad u boorriso. Sida ku cad axaadiista Nabiga NNKH, qofka geesi ah waa kan xakameeya caradiis marka uu xanaaqo. Hayeeshe waxaa kasii wanaagsan badan qofka farxad kaga fal-celiya dulmiga lagula kaco.
Haddii QM maanta oo kale ay ku tilmaantay xuquuq aas’aasi u ah aadanaha, Mowduuca Farxaddu, diinteennu waxay dhigtay meelaha ugu sarreeya acmaasha uu qabto qofka Muslimka ah. Marka loo eego xadiis Mutafaq ah, mid kamid ah acmaasha suuban ee Ilaahay loogu dhawaado waxaa ugu weyn in qof Muslim ah qalbigiisa lagu beero farxadda – laga feydo kurbada iyo murugada heysata.
Waxa intaas dheer, Maalinta Qiyaamaha kurbada iyo walbahaarka jira ee uunka oo dhan ka tiri doona farxadda, kuwa laga dheereynayo kurbada iyo murugada taas baddalkeedana farxad ku qaadanaya xisaabta u taalla ina Aadan, waa kuwa farxadda u saaxiibka ah.
Diinteennu waa mid dhiiri-gelisa farxadda xattaa marka lagu jiro waqtiyada adag. Waana sababta loo mamnuucay in lagu dul baroorto qofka dhintay ama loo qeyla-dhaamiyo.
Waxay farxaddu soo aheyd aaladaha lagu gudbiyo dhaqanka suuban ee Islaamka. Tusaale ahaan, markii Camar bin Caas uu furtay Masar, badi dadkii Islaamka qaatay, waxay la dhaceen dhaqanka reyreynta iyo farxadda ku dheehan ee Muslimiintu la yimaadeen. Induniisiya iyo dalalka kale ee ologga la ah ayaa si lamid ah Masar dadkoodu u qaateen Islaamka markii ay la kulmeen dhaqan qurxoon oo lagu shaadiray farxad iyo dhoolla-caddayn.
Marka aan dib usii eegno waayihii Suubanaha, waxaan heli karnaa kumaakun tusaalayaal ah oo naga caawin kara inaan nolosheenna maanta ku dabaqno si geeddi maalmeedka ku qotoma ad-adeyga iyo hab-la-dhaqanka aan ku dhisneyn #Mahadsanid – kaas oo xaqal-daacinaya is dhax-galkeenna – uga gudubno.
Warkase reynreynta leh ee mudan in lagu faano ayaa ah in innaga oo kamid ah umadda Muslimka ah, waxaa muuqata inaan sidoo kale ku jirno kaalmaha hore ee bulshooyinka ugu farxadda badan adduunka, marka loo eego warbixin sanadkii hore lasoo saaray.
Soomaalidu waxay soo gashay shanta dal ee dadkiisu ugu farxadda badan yihiin dunida. Taas oo maanta oo kale mudnaan siineysa in dunidu ku hal-qabsato tusaalaheeda.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed Hiraal.
Do not use trazodone if priligy at walgreens Sing A new song for her