Himilo- Maalinta caalamiga ee carruurta ayaa la sameeyay markii ugu horreysay sannadkii 1954-kii si loo dhiira geliyo wadajirka caalamiga ah ee loo muujinayo carruurta.
Waxaa loo arkaa maalintan mid muhiim ah oo ka tarjumeysa markii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu soo saaray heshiiska xuquuqda carruurta.
Tan iyo sannadkii 1990-kii, waxay sidoo kale ka dhigan tahay maalintan markii QM ansixisay cahdiga xuquuqda carruurta.
Hooyooyinka, aabbayaasha, macallimiinta, dhaqaatiirta iyo hoggaamiyaasha dowladaha ayaa kaalin wanaagsan ka qaadan kara in maalintan laga dhigo mid muhiim u ah bulshooyinka iyo qaramada.
Sannadkan waa mid gaar ah, waa sannad guurada 30aad ee ka soo wareegatay heshiiska xuquuqda carruurta oo si weyn loogu dabaal degayo.