Home / Cayaaro / 20 sano ka hor maanta oo kale Messi oo helay shatigiisa rasmiga ah ee Barcelona

20 sano ka hor maanta oo kale Messi oo helay shatigiisa rasmiga ah ee Barcelona

Himilo – Berrito waxay noqon kartaa mid ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan taariikhda casriga ah ee Barcelona – maalinta doorashada 2021. Fiidnimada Axadda, mid ka mid ah Joan Laporta, Victor Font ama Antoni Freixa ayaa noqon doona madaxweynaha cusub ee Catalans. Si kastaba, maanta sidoo kale waa maalin qiimo weyn u leh naadiga.

6dii Maarso 20 sano ka hor, ilmo yar oo reer Argentine ah ayaa si rasmi ah loogu diiwaangeliyey inuu yahay ciyaaryahan cusub oo Barcelona ah, isagoo ruqsaddiisa ka helaya Xiriirka Kubadda Cagta ee Catalan ka dib markii la saxiixay qandaraaska gogol xaar ah dhawr bilood ka hor. Isaga ama cid kaleba ma ogeyn in wiilka ka yimid Rosario uu beddeli doono dariiqa taariikhda kubadda cagta.

sanadka 2021 ee sida dag daga ah ku socda  iyo mustaqbalka Lionel Messi ayaan wali go’aan laga gaarin. Qandaraaskiisa ayaa lagu wadaa inuu dhaco xagaagan soo socda walina lama oga inuu doonayo inuu sii joogo iyo inuu tago. Laakiin waxay ahayd maalintaas markii Carles Rexach uu gogol-xaarkii u beddelay xiriir ku dhammaaday inuu noqdo mid ka mid ah go’aannadii ugu muhiimsanaa ee naadigu qaadatay labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Inaad aaminaad noocan oo kale ah geliso wiil 13 jir ah maahan wax aad si fudud u sameyso. Messi wuxuu lahaa karti, sidoo kale wuu yaraa, wuxuu la dhibtoonayay cillad dhanka koritaanka ah iyo waliba kumanaan mayl  meel u jirta Barcelona uu ka imanayay. Wax walba isaga ayaa ka soo horjeeday. Xitaa xilliyadii hore ee Catalonia waxay ahaayeen kuwo xanuun badan maadaama dhaawacyo, dhibaatooyin iyo uur-ku-taallo ay door ka ciyaareen.

Laakiin ma jiraan wax ka hor istaagi kara Messi inuu ku qeexo Barcelona waqtigeeda casriga ah iyo kubada cagta inay tahay isboorti sanadaha soo socda. Maanta, 20 sano kadib, Leo wuxuu si sax ah u sameeyay intaas iyo in ka badan. Hadda,wax walbaa way is beddelayaan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan