Home / Maalmaha Caalamiga / 21 Maarso- Maalinta Caalamiga ee Gabayga

21 Maarso- Maalinta Caalamiga ee Gabayga

Himilo – Dadka qaar waxay gabayga u arkaan erayo iyo maaddo lagu qasbo inay ku bartaan iskuulka hayeeshe, kuwa kale, waxay uga dhigan tahay mid kamid ah waddooyinka ugu waaweyn ee lagu muujiyo shucuurta iyo dareenka – qaab isku keeni kara dadka.

Marka iyada oo taasi maanka lagu wada hayo, sanadkiiba mar, dunidu waxay xustaa Maalinta caalamiga ee gabayga si loogu dabaal-dego deeqda ay kusoo biiriyeen dunida.

Maalinta Caalamiga ah ee Gabayada waxaa xuskeeda la sameeyaa sannad kasta bisha Maarso 21-keeda kadib markii laanta QM u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada ee UNESCO ay asteysay maalintan kadib heshiis ka dhacay Paris sanadkii 1999-kii.

UNESCO ayaa soo jeedisay in gabayadu yihiin kuwa la kulmi kara doorka bulshada maadaama ay taaban karaan wacyiga iyo walaaca ka dhex jira. Waxay intaasi ku sii dartay in gabayadu  da’yarta ka caawin karaan inay ku xirnaadaan tagtadii hore; una diyaar garoobaan timaado qurux badan.

Maalinta caalamiga ee Gabayga waxaa loo xusaa si guud, hayeeshe gudaha dalka UK, dugsiyada waxbarashada waxay si lamid ah u xusaan Maalinta Gabayga Qaranka. Maalintan waxaa loo qabtaa sidoo kale in loogu dabaal-deggo dhaqamada iyo heybta ku soo maaxda miraha ka dhasha gabayada.

Marka loo eego UNESCO, dhaqan kasta oo ka jira cirifyada dunida wuxuu ku raaxaystaa gabayga – maadaama ay ku hadasho afka bani’aadanimada iyo wadaagista qiyamka insaaniga ah. Inta lagu jiro xuska maalintan, gabayada waa lagu hal-qabsadaa; lana aqriyaa.

Afkeenna Soomaaliga ah wuxuu kamid yahay afafka hodanka ku ah maansada – gabayguna wuxuu ku jiraa tiirarka ugu waaweyn ee ay adeegsadaan.

Burburka jira ee ku dhacaya deegaanka ama dadkiisa, afkeennu wuxuu qeyb ahaan eersan karaa dhibaatooyinka. Hayeeshe marka la fiiriyo baraarugga ku aadan ilaalintiisa oo sanadihii danbe soo laba kacleeyey iyo tartamada ku saabsan tixaha kala duwan ee maansooyinka ee la qabto, rajadiisu ma xumma.

Maantana waa maalin kamid ah maalmaha mudan in si weyn aan iskugu baraarujinno guulaha jira ee afkeennu ka gaaray dhinaca maansooyinka, caqabadaha ku foolnaan kara iyo waddooyinka uu marayo si uu u bad-galo.

Tani waxay naga caawin kartaa inaan go’aansanno nuuca mustaqbal ee aan la dooneyno afkeenna inuu kusoo muuqdo qarnigan dhammaadkiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan