Home / Macluumaad / 21 March: Maalinta Caalamiga ee Keymaha

21 March: Maalinta Caalamiga ee Keymaha

Muqdisho – Goob  tiro baaxad sarreysa leh oo geedo ah ayaa si guud loogu yeeraa Keyn. Keymaha ifka oo dhan ku camiran waxay cabbirka dhulka kaga fadhiyaan 30%. Si kastaba, waxaa jira hoos u dhac la tilmaami karo oo ku socda baaxadda keymaha oo awalba boqolkiiba 50% ka aheyd dhulweynaha dunida.

Keymahani waxay asal ahaanba hoy iyo gabaad u yihiin noolaha oo dhan – u eegis al’aan xittaa kuwa ilma-aragtida ah iyo badqabka carrasanta – taas oo kulmineysa mid kamid ah xaaladaha ugu muhiimsan ee hab nololeedka deegaanka. Keymuhu waxay door ku yeeshaan maareynta heer kulka meeraheenna ama dhulka aan ku nool nahay. Waxay nasiiyaan oksijiin iyaga oo dhima wax-yeellada gaaraysa deegaanka.

Kaliyana uma ahan guri dhamaan noolaha ee sidoo kale keymuhu waa ilaha joogtada ah ee dihin nafaqo leh. Inaan si qoto dheer ugu kuur-galno ogaalkeeda, waxay na dhaxalsiineysaa garashada in kobta aan maanta ku nool nahayba – ay beri ahaan jirtay keymo.

Tiiyoo ay tani jirto, Maalinta Caalamiga ee Keymaha waxaa dunida oo dhan laga xusayay 21 March sanad kasta si wacyiga bulshooyinka kala duwan ee dunida loogu jiheeyo muhiimadda keymaha iyo dheeraad ku jira faa’iidooyinkeeda. Gunta aragtida Maalinta Caalamiga ah ee Keymaha waxay timid kal-fadhigii 23aad ee iskaashiga beeraha Yurub sanadkii 1971-kii.

Si kastaba, QM ayaa bishii 21 bishii March sanadkii 2012 waxay bilawday xuska maalinta si loo muujiyo faa’iidooyinka keymaha iyo geedaha. Xaqiiqooyinka jira ee ku saabsan keymaha waa kuwa is daba-maal ah – oo in kasta oo dabargo ay ku jiraan meelaha qaar ay hadana helayaan dadaallo lagu ilaalinayo laguna tarminayo tiradooda.

Halka aad looga dooday in si toos loo abbaaro tirada geedaha sameeya keymaha, hadana saynisyahannadu waxay hoosta ka xarriiqeen inay jiraan boqollaal bilyan oo geedo ah. Nasiib-darrase, cilmi-baaris seynisyahannada ayaa tilmaantay in 15.3 bilyan oo geedo ah in la dabar-jaro sanad kasta – 46% geedaha dunida waxay noqdeen ciribtiran 12,000 sanadood lasoo dhaafay. Waxaase kasii naxdin badan in dunidu ay sanad kasta lumiso dhul baaxadeed ballaaran oo keymo ah. Waxayna badigood u le’daan falalka ay ku hayaan bani’aadanka.

Soomaalidu waxay kamid tahay bulshooyinka xaalufinta geedaha sameeya hab-nololeedka keymaha.

Deegaanka oo ah hooyada nolosha noolaha waxaa gaaray nabarro. Waxaa loo geystay daqarro. Waxaa Marti looga dhigay dabargoyn. Waxaana magan u ah beylah.

Soomaaliya oo hodan ku ah ilaha badiiciga ah ee daaqa, duunyada iyo dihinka, waxay ku socotaa qaaday tallaabooyinkii ugu danbeeyey ee ay ku gumaaadayso nolosheeda. Kasokow milgada uu deegaanku ku fadhiyo, Soomaali badan wali macnaha dhabta ah ee deegaanku leeyahay ma garowsana. Mahuraanka ah inay barato sida deegaanka loo dhowrana waa waxa ugu mudan oo maanta umadeennu la’dahay. Haddii ay garatana kaga bixi karto makasnimada kaga aadan deegaaanka iyo sda looga dheefsado.

Ol’olaha ku aadan in Soomaalida lagu baraarujiyo barwaaqada dalkooda iyo sida beylahda looga dhowro, ma ahan mid hadda un anba-qaaday. Waa mid lasoo if-baxay hanashadii gobannimada iyo isu-taliskii umadda. Walise wacyi-gelintaas sidii looga dhursugayay uma ebyan. Waxay ku dhacday laabyo maqan dhego leyrta u duleela.

Hadaba, ku sinnaan 1985—kii ayaa abwaannadii Soomaaliyeed curiyeen riwaayad loogu magac daray Dal Barwaaqo ah iyo Dad ka Baahan. Iyaga oo muujinayay sida dalkani Eebe barwaaqo ugu shubay iyo sida dadkiisu ay uga arradan yihiin.

Soomaaliya oo hormuud u ah xoolaha la dhaqdo oo geela ugu badanina ku nool yahay, waxay ku socotaa inay gacmaheeda ku lumiso hantidaas qaayaha badan. Hadii loolanka loogu jiro ka manafacsiga deegaanka oo uu sidaan kusii socdo, waxaa hubaal ah in dalkani aanu nolol lagu lado kasii jiri doonin.

Dhibta ugu weyn ee deegaanka lagu hayo ma ahan sida loogu waashay dabarjaristeeda. Waa aqoon darrida ku wajahan fahamka guud ee deegaaanka. Dal-laawaha mustaqbalka ma ahan midka misaarta u sita iyo midka wax-yeelaya dhirteenna. Waa midka aan aqoon waxa deegaanku ugu fadhiyo.

Hadaba, deegaanka oo ah goob kulmisa nool iyo moodba, waxaa ku sugan waxtar badan oo aan lasoo koobi Karin. Aadmiguna kama maarmi karo waxtarkaas. Hayeeshe, markaynu isdul-taagno dhirteenna oo sal u ah nolosha sanku-neeflaha dhamaan ee ku nool guudka arlada, waxay ku fadhisaa wax aan hadal lagu dhamayn Karin, howlna lagu gaari Karin. Waxaase kamid ah;

  1. Aqal Soomaaliga waa laga sameeyaa.
  2. Looxaanta daaraha lagu dhiso, kuraasida iyo miisaska ayaa laga qoraa.
  3. Xaashidaa laga sameeyaa.
  4. Birtaa lagu daabaa sida; dubbaha, godinta, iwm.
  5. Weelka ayaa saab looga dhigaa sida hanta iyo qunbaha.
  6. Jirifeeda ama meyraxdooda asal baa laga sameeyaa sida sarmaanta, xagarka iyo wixii lamid ah.
  7. Caleenta geedaha xoolaha iyo ugaarta ayaa noo daaqda.
  8. Mirahooda iyo xabagtooda dadka ayaa cunaoo ku nool; waa la karsadaa waana la dugsadaa.
  9. Dhirta waa la shitaa; beeyadaa laga helaa.
  10. Dhulku haddaanu dhir lahayn biyo maqabsado oo badda iyo webiyaasha ayay ku shubmaan.
  11. Hadaanu dhulku biyo qabsan geedo kama soo baxeen oo wuu nabaad guuri lahaa. Dad iyo duunyo midna kuma noolaan kareen geyi abaar ah. Dhulku carro-san haddaanu lahayn, dhir iyo cagaar kama soo baxeen. Haddaan doog jirin naf, dad, duunyo iyo dugaag majireen.

Sidaas darteed, isla maantaba aynu qaadanno go’aanno wax dheef u noqon kara badbaadada keymaheenna!

Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’

Isha: radiohimilo.so

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan